Guddiga Dhexdhexaadinta Khilaafaadka Siyaasadeed ayaa saaka kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarad
mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo mudane Faysal Cali-waraabe.
Kulamadaas oo socday intii u dhexaysay 9:30 – 12:30 duhurnimo ee maanta waxa lagu kala qabtay xarunta Madaxtooyada oo ay kula kulmeen Madaxweynaha iyo xarunta Komishanka Doorashooyinka oo lagula kulmay Axmed-Siilaanyo iyo Faysal Cali-waraabe oo ay wehelinayeen labadooda ku xigeen Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed-rashiid Sheekh Xasan.
Kulamadaas oo ku saabsanaa tabashooyinka iyo arrimaha dhinac kastaa ahmiyadda saarayo, iyagoo saldhig uga dhigaya duruufaha dalka ka jira, aragtiyaha iyo ahmiyadda doorashada beesha caalamku siinayso.
Natiijada kulamadaas waxa xuddun u ahaa in Guddiga Dhexdhexaadintu tixgeliyo arrimaha gundhigga u ah khilaafaadka siyaasiga ah.
Allaa Mahad leh
Guddiga Dhexdhexaadinta Khilaafaadka Siyaasadeed


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Guddiga Dhexdhexaadinta Khilaafaadka Siyaasadeed Oo Maanta Kulamo Gaar Gaar Ah La Yeeshay Madaxwayne Rayaale Iyo Labada Gudoomiye Mucaarid "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback