Borama-(Lug) Waxaa saaka lagu qabtay fagaaraha ku yaala dugsga sare ee Alaqsa xaflad ay soo qaban qaabiyeen ardayda dhigata fasalada 3B iyo 3C taas oo lagu xusay in ay suura gashay in ay ardaydaasi soo saaraan cadadkii ugu horeeyey ee wargays uu iskuulkaasi yeelanao oo la yidhaahdo ( MUSTAQBAL), waxaana gacan maaliyadeed ka siisay sidii ay wargayskaas u soo saari lahaayeen shirkada TELCOM laantaeeda Boorama oo iyaga laf ahaantoodu ka soo qayb galay xafladaas.
Wargaysaka ayaa waxaa uu ka hadlaayey waxa ugu badnaa waxyaabo ku saabsan arimaha buslhada sida waxbarshada,caafimaadka , ciyaaraha korodhso aqoontaada iyo arimo kale oo la halmaala.
Waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay Xasan Sh. Cabdiraxmaan Cilmi oo ku hadlaayey magaca maamulka iskuulka oo sheegay in aydadaal badan ardaydaasi ku so bixiyeen sidii ay u soo saari lahaayeen wargayskan waxaa kale oo uu aad ugu mahad naqay shirkada Telcom Boorama oo uu sheegay la’aanteed in aanay waxba suurta galeen.
Waxaa kale oo isana ka hadlay muhiimada ay leedahay saxaafdu Xuseen Cabdiraxmaan Cige oo ka mid ah macalimiinta iskuulkaas isaga oo sheegay in ay tahay waxa ugu muhiimsan maanta ee la isku gaadhsiiyo macluumaadka dunida ayna kaalin firfircoon kaga jirto hawlaha siyaasada, dhaqaalaha arimaha bulshada iyo meelo kale oo badan.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay ardayda qaar ka mid ah oo sheegay in ay aad ugu mahad celinayaan shirkada Telcom Boorama kaalinta ay ka qaataya soo saarida wargayskan oo isaga oo kalar ama midab leh uu maanta soo baxay taas oo ay ku bixiyeen kharashkii uu u baahnaa dhamaanba.
Waxaa ugu danbayntii alkaasi ka hadalay agaasimaha shirkada Telcom Boorama Xasan Yuusuf Riiraash oo sheegay in uu isaga laftiisu ahaa ardaydii ka baxday dugsiga Alaqsa oo ay maanta dadkii halkan ka baxay meelo kala duwan ka shaqeeyaan waxaanay naga ahayd ayuu yidhi in aan wargaysakan lacag ku bixino in aan ardayda dhigata maannata dhiiri galino oo aan tuso bari iyaga laftoodu in ay noqon karaan madax meelo ka taliya qof kasataa oo madax maanta ah shalay isaga laftiisu wax u ahaa arday wax ka barta iskuul ka mid ah iskulada, anaga hadafkayaguna waxa weeyi ayuu ku soo afjaray hadalkiisii xasan Yusuf in ay bulshad agacan qabtaan oo ay wax u taraan cid kasata oo rabta in ay wax qabsato.
Salalnews.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Shirkada Telcom Oo Gacan Ka Siisay Ardayda Dugsiga Sare Ee Al-Aqsa Sidii Ay U Soo Saari Lahaayeen Wargays. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback