33 ka mid ah waa la sii daayay Maanta halka 27 kalena …..

Borama-(Lug)-Warar xog ogaal ah oo ka soo baxaya xarumaha Booliiska ayaa waxa ay sheegayaan in maanta la sii daayay 33 dhalinyaro ah ka dib markii ay hal habeen ku xidhnaayeen saldhiga dhexe ee magaalada Borama isla markaana lagu waayay inay wax xidhiidh ah la lahaayeen dagaal xaafadeedyo dhex maray dhalinyarada Xaafadaha Sisibta iyo Saybeeriya oo isku dhinac ah iyo Xaafada Sheekh Cali Jawhar oo dhinaca kale ah.

Waxa kale oo ay wararku sheegayaan in Saldhiga Borama wali lagu sii hayo 27 kale oo dhalinyaradii la qabqabtay ka mid ahaa, waxaana sidoo kale ay ilo xog ogaal ahi sheegayaan in gudiga Amniga ee Magaalada Borama arrinteeda ka yeelan doonaan shir deg deg ah isla markaasina ay suurto gal tahay in loo gudbiyo Xabsiga Mandheera si dhaqan celin loogu sameeyo.

Waxaa kale oo arrintan Lughayanews u xaqiijiyay gudoomiyaha Waxbarashada G/Awdal oo waraysi siiyay Lughayanews.

Qaar ka mid ah waalidiinta dhalinyarada la sii daayay maanta ayaa Lughayanews u sheegay inay caruurtoodu nabad qabto isla markaana si wanaagsan loola macaamilay saacadihii ay ku xidhnaayeen jeelka dhexe ee magaalada Borama.

Dhanka kale Gudoomiyaha Waxbarashada ee G/Awdal Prof Daahir Maxamuud Xadi ayaa uga digay ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Sheekh Cali Jawhar inay ka qayb qaataan falalka rabshadaha wata ee dhex maraya Kooxo xaafadeedyada waxana uu yidhi “ Waa nagu ceeb in Ardaydii dugsiyada sare ay ka qayb qaataan rabshado ka dhan ah amniga waxana cida ay ku cadaato ciqaab uga dhigi doonaa inaan ka erino dugsiga isla markaana ka horjoogsano inay dalka oo dhan Waxbarasho ka helaan”.

Waxa kale oo uu gudoomiyaha waxbarashadu maanta kormeer ku soo maray dugsiyada Sare ee magaalada Borama, isla markaana waxa uu ka hadlay daneeyayaasha dugsiyada oo iskugu jira Waalidiinta iyo Macalimiinta inay ku adkaadaan ilaalinta nabadgalyada dugsiyada.

Rabshadahan iskooxaysiga ah ee habeen hore ka dhacay qaar ka mid ah Xaafadaha magaalada Borama ayaa waxa markii ugu horeysay ay ka soo bilaabmeen Arday gacan ka hadal ku dhex maray dugsiga sare ee Sheekh Cali Jawhar.

Ilaa iyo hada xaalada ayaa ku soo laabanaysa sideedii caadiga ahayd wallow ay adag tahay in dhalinyarada labada xaafadood ay isku gudbaan.

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Borama