baydhabo.jpgAl-Qaahira-(Lug)-Wargeyska al -wadan ee ka soo baxa dalka Sucuudiga ayaa baahiyey warbixinta sheegeysa wasiirka ilaalinta deegaanka ee Somalia Burci  Maxamad Xamza oo ay hurdo la tegtey isaga oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee al -qaahira

xarunta dalka Masar sidaasna  kaga hadhey diyaaraddii uu ku qornaa oo u socotey Nairoobi.

wargeyska ayaa sargaal masaari ah ka soo xigtey in wasiirka oo hurdo culus ku jira saddex jeer loo dhawaaqey balse maqli waayey deedna ay diyaaraddii ka tegtey sidaasna socdaalkii tirsigiisu ahaa 849 kaga hadhey.

Wasiir Burci Xamze oo ka tirsan dawladda kumeel-gaadhka ah ee Somalia ayaa waxa uu wargeysku sheegay inuuna lahayn passport diblomaasi ah.