tunis1.jpgTunisia-(Lug)-Wargeyska Al-Riyaad ee ka soo baxa dalka Sucuudiga ayaa sheegey in 10% haweenka dalka Tunis ay raggooda garaacaan ama ay gacan u qaadaan iyo in dhawaan laga asaasey dalkaasi jumciyad u doodda xuquuqda ragga ay dumarkoodu ka adagyihiin

Wargeysku isaga oo macluumaadkiisa ka soo xiganaya diraasad bulsheed oo dalkaasi laga fuliyey ayaa waxa uu sheegey in 10% dumarka reer Tunis ay raggooda gacan u qaadaan markasta oo ay is khilaafaan, halka 30% na ay hadal xun iyo guhaad kulul ku hayaan raggooda, diraasaddu waxa kale oo ay sheegtey in xaaladaha dhaqaale ee hooseeyaayi ay ka qayb qaataan muranka iyo isku dhaca qoyska.

Diraasaddu waxa ay intaasi ku dartey in ragga ay dumarkoodu ka adag yihiini ay ka gaabsadaan ka warbixinta mashaqada guryahooda ka haysata, maadaama ay fadeexad iyo dhegxumo ka cararayaan una babac dhigi kari laayihiin sida ay diraasaddu sheegtey cadaadiska iyo caadooyinka bulshada ay ku dhex noolyihiin.

Wargeysku waxa kale oo uu tibaaxey inay diraasaddu sheegtey in loo baahanyahay in la helo tallaabooyin wax ku ool ah oo ay raggan dhibaneyaasha ahi kula tacaalaan dhibaatada haysata.

Wargeysku waxa uu ilo warbaahineed oo reer Tunis ah ka soo xigtey daruurinimada in si buuxda loo tageero jumciyaddan cusub ee qaabilsan xuquuqda ragga ay dumarkoodu ka adagyihiin si ay jumciyaddaasi u wada gaaadho dhammaan dalka Tunis oo ka kooban 24 gobol.