Borama-(Lug)-Dadweynaha reer Soomaaliland ayaa weli ka dhursugaya waxa kasoo bixi doona dhexdhexaadin kooxo la sheegay inay  kormeeri doonaan  anshaxa doorashooyin Soomaaliland ku riyoonayso balse shaki badani ka taagan yahay taasoo ama dhexdhexaadintaasoo  ay ka kala dhex wadaan  xisbiyada Mucaaradka iyo xukuumadda Rayaale.

Toddoba casho ka hor  Ayaa  sidoo kale dadweynaha reer Soomaaliland ogaayeen wixii kala qabsaday xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland siiba xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda, waxa kale oo la ogaa abaabulkii ciidan, kii Salaadinta qaarkood, kii Culimada  diinta iyo abaabuladii  qaar ka mid ah lagu baqo gelinayey mucaaradka iyo kuwii lagu sasababayey ama lagu khiyaameeyey  mucaaradka  ee ay saxeexeen sannado ama bilo ka hor. Maanta cajaladii Rayaale   ku meelmarsanayey  muddo kordhinta  ay aakhiradoodii ku seegeen   odayaashii Guurtida la odhan jiray ee dalkan ugu da’da weynaa uguna waayo aragsanaa.

Waxa haatan afar casho la isku horfadhiyaa aqqalka madaxtooyada ee aanu Rayaale kasoo bixin  mar uu tegeyo  sababo badan mooyee waxana isku horfadhiya ama ku wada hadlaya raga maanta dalkan laga sugayo inay umaddan ka xoreeyeen taliska Rayaale iyo kuwa  isku haysta in taliska Soomaaliland   ku fadhiyo xooggooda iyo xoolahooda .

Way fiicantahay haddii runta la iska dheegeyo nin kastana khaladkiisa loo sheegeyo lana oggolaysdiinayo waxa uu mudanyahay, balse waxa kasoo muuqda guddiga dhexdhexaadinta  iyo xisbiyadu waxay u egyihiin uun khiyaamo kale oo dalalka deeqbixiyayaasha ah lagaga maroorsanayo xoolaha lagu bixin lahaa doorashooyin muran badani ka taagan yahay, kuna hammiyaya inay hoosta ka galaan lacag  ka badan tii caalamku  Soomaaliland u siiyey diiwaangelinta  cagaha ku jiidatay doorashooyinkii Soomaaliland .

Horta markaad eegto qaabka wadahadaladu u bilowdeen iyo waxa laga filayey mucaaradka ayaa ah uun mid u eg isdhiibid ay mucaaradku isku dhiibeen   xukuumadda Rayaale markay arkeenwaxyaalo badan  oo an u fasaxayn waxay xaq u dastuuriga u lahaayeen .

Dhinaca kale markaad eegto waxay dad badan oo reer Soomaaliland ahi aaminsan yihiin in mawqifkii ay muddo kordhinta Rayaale ee guuritida iska taageen  xisbiyada Mucaaradku, gaar ahaan xisbiga Kulmiye uu ahaa mid loo baahnaa  maadaama ay Xukuumadu isku haysatay in aanay jirin cid Rayaale ka waabin karta inuu kursiga iskasii fadhiyo ilaa inta uu doono.

Sidoo kale ayaa dad badan aaminsan yihiin in aqbalaadda wadahadalada Xisbiyada mucaaradku ku aqbaleen inay horfadhiistaan Rayaale uu ahaa mid khalad, waxayna dadkaasi sheegeyaan in mawqifkii kulmiye iska taagay arrimaha siyaasadda dalka uu sii wadi kari lahaa Dr.Maxamed Cabdi Gabbose   oo haddii uu xisbiyada mucaaradka madax u ahaan lahaa aanay dhacdeen inuu Rayaale  oo madaxweyna ah oo uu madaxtooyada  kula shiro .Fikirka caynkaas ah ayaa dadka qaarkii ku macneeyeen in Dr.Gabboose yahay siyaasiga ugu mawqifka adag leh siyaasiyiinta reer Soomaaliland marka laga reebo Daahir Rayaale oo askari  nabadsugid ah ahaan jiray, sababtoo ahbay leeyihiin marna Rayaale kama leexdo amarka ama talada ay soo siiyaan la taliyayaashiisa daaha dabadiisa kala hadlaya mar kastoo kursigiisa cidhiidhi la geliyo ee ay iyaguna ku waayayaan dannahooda .

Waa tan labaade cid kastoo wax ka taqaanna siyaasadaha mucaaradka  ee ka jira Africa iyo caalamkaba xukun noocan ah oo kala waxa lagu ridi karaa  xoog shacbi sidaa darteedna  abaabulka siyaasadeed ee Dr.Gaboose kala horyimaaddo xukuumadduna waa mid  xanuunkiisa laga dareemo madaxtooyada.

Si kastaba ha ahaatee waxa maanta la filayey in xisbiyada mucaaradka laga ansIxiyo muddo kordhinta Rayaale ee ubucda u ah  khilaafka siyaasadeed ee dalka, si taa loo gaadhana waxa loo baahnaa in  waddaniyiintan is-xilqaantay labada dhinacba ka waabiyaan waxa mid kastaa doonayo taasoo macnaheedu yahay in haddii  si xaqdarro iyo si xaq ahba loo doonayo aqbalaadda heshiis soo afjari kara dhinacyada isku haya siyaasadda dalka, Rayaale laga jaro saddex bilood  oo ka mid ah lixda bilood ee  Guurtidu sharcidarada ugu ansixisay , mucaaradkana la marsiiyo saddex bilood oo Rayaale sharcidarro dalkan kusii xukumo, horena loosoo dhigo doorashooyinka diiwaangelinta iyo serverkana amar lagu siiyo bil inuu ku dhameeyo shaqadiisa haddii kalese la laabo gebi ahaantiisaba, waxanse sugaynaa bal halka ay sal dhigto sansaamaha kasoo muuqda dhexdhexaadinta   labada dhinac  ee isku haya siyaasadda Soomaaliland, taasoo u muuqata in koox cusub oo reer Soomaaliland ahi  magac ku yeelan doonto ama magacxumo ka raaci doonto hawsha ay hayaan axsaabta mucaaradku ku kasban doonaan guushii ugu horreysay ama guuldaradii u dambaysay.


Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama