Hargeysa-(Lug)-Waxa markii ugu horeysay soo baxay aragtida xisbiyada ee go’aankii ay shalay galab magaalada Hargaysa ka soo saareen guddidii dhexdhexaadinta khilaafyadii ka dhashay dib u dhaca doorashooyinka iyo muddo kordhinta xukuumada.

Haddaba, Madaxda Xisbiyada Mucaaradka iyo Afhayeenka Madaxtooyada oo ku hadlayey afka saddexda xisbi qaran ayaa isla xalay  magaalada Hargeysa warbaahinta ku siiyey war kooban oo ay ku sheegayaan waxa ay ka qabaan go’aamadan. Ugu horeyn Afhayeenka madaxtooyada Md. Siciid Cadaani, oo ku hadlayey afka xukuumada ayaa sheegay in si dalka ay uga dhacdo doorasho xor oo xalaaal ahi ay xukuumada Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin soo dhaweynayso dhamaan qodobadii ay guddidu soo saareen.

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa isna sheegay in xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE uu soo dhaweynayo go’aamadan, laakiinse ahmiyadu ay tahay sidii loo fulin lahaa. Waxaanu intaa raaciyey in labada xisbi ee mucaaradku ay ka shirayaan arintaa.

Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aamadan inkasta oo wixii aanu wada rabnay aanay ku wada jirin go’aamadan, haddana, ay qadariyeen guddida dhexdhexxadinta, salaadiinta iyo ganacsatada Somaliland ee galay arinkan iyo danta guud ee qaranka.

Waxa kale oo uu sheegay in ay UCID ahaan soo jeedinayaan qodobada aan dhameystirnayn sida go’aamada guddiga doorashooyinka khuseeya iyo guddida la socodka warbaahinta iyo hantida qaranka in la dhameystiro.

Ramaasnews