rageh-omar-1.jpgHargeysa-(Lug)-Suxufiga Caanka ka ah ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, isla markaana hadda ka hawl-gala Telefiishanka Caalamiga ah ee Al-Jazeera, Raage Cabdillaahi Oomaar, ayaa toddobaadkan booqasho shaqo ku yimid dalka Somaliland, iyadoo ay isaga iyo suxufiyiin kale oo socdaalkiisa ku wehelisaa ay barnaamijyo kala duwan ka samayn doonaan inta ay Somaliland joogaan.

raage.jpg

Raage Oomaar oo hore uga soo hawl-galay Telefiishanka BBC-da isla markaana si weyn ugu soo caan-baxay dagaalkii Ciraaq uu ku qabsaday Maraykanku oo uu wakhtigaas uga soo warami jiray BBC-da ayaa sannadihii u dambeeyay ka hawl-galayay telefiishanka sida weyn dunida looga daawado ee Afka Ingiriisiga ee Al-Jazeera, kaas oo uu ka baahiyo Barnaamijyo si weyn loo xiiseeyo oo uu ka mid yahay Witness.

“Intii aanan Hargeysa iman waxaan soo maray wadamo badan oo Afrika ah, sida Nigeria, Ghana, Uganda iyo kuwo kale, safarkan shaqo waxa uu khuseeyaa barnaamij gaar ah oo aan ka diyaarinayay dadka Soomaalida ah ee ka bara-kacay Koonfurta Soomaaliya, dagaaladii dhawaan ka dhacay, markii aan wadamadaas oo dhan soo maray ee dadkii ku bara-kacay barnaamijka ku soo waraystay, ayay igu dhalatay inaan Hargeysana ku daro, oo waanigan hadda aad arkayso inaan ka duubayay Haweenaydan Ganacsatada ah ee Coffeteria-da halkan ku haysata (Gabadh Meherad caan ku ah samaynta Moofada ku haysata Hargeysa), waxay ka soo bara-baxday Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, sidaa daraadeed hawlaha la xidhiidha barnaamijkan oo aad u dheer, wakhti dheerna insha alaah socon doona ayaan u imid oo keliya.” Sidaa waxa yidhi Raage Cabdilaahi Oomaar, oo xog-waran kooban ujeedada socdaalkiisa ka siiyay Weriye Cabdiqani Xuseen Baynax oo ka tirsan Somalilandpress, oo kula kulmay badhtamaha magaalada Hargeysa.

Weriye Raage Oomaar ayaa lagu xusuusto dhacdooyinkii wareed ee la yaabka lahaa ee uu ka soo tebin jiray Caasimada wadanka Ciraaq ee Baqdaad wakhtigii uu ka socday Dullaankii Maraykanku. 

Dhinaca kale, Suxufiyiin aad u tiro badan oo ka socda wargeyska caanka ah ee Los Angeles Times ayaa iyaguna toddobaadkan socdaal shaqo ku yimid magaalada Hargeysa, kuwaas oo sida la sheegay Somaliland u yimid inay macluumaad iyo warar dhinacyo badan la xidhiidha ka diyaariyaan Somaliland iyo aafada Budhcad Baddeed ee ka dilaacday Badda Cas.

Suxufiyiintan ayaa xog-wareysi kala duduwan la yeelan doona madaxda qaranka iyo qaybaha kala duwan bulshada, iyadoo arrimaha ay xogta ka ururinayaan ay ka mid tahay Qisadii Jacaylka ahayd ee Cilmi Boodhari iyo arrimo kale oo la xidhiidha waxqabadka Somaliland tan iyo intii ay la soo noqotay madaxbanaanideeda 1991, iyo aqoonsiga ay baadi-goobka ugu jirto.

Haatuf.net