Laascaano-(Lug)-Waxaa saaka lagu qabtay hoolka dawlaa hoose ee magaalada laascaanood xaflad ay xilka kula kala wareegayeen labada xoghaye ee hadda isbadalay ee dawlada hoose
xafladaasi oo si wayn loo soo agaasimay kana qayb galeen masuuliyiinta Somaliland ee Gobolka Sool oo uu hor kacayo Taliyaha Qaybta Police-ka Gobolka Sool iyo masuuliyiin kale.
Xafladan ayaa waxaa hadalkii furay oo ka war bixiyay xaalada Dawlada hoose iyo waliba shaqada xogahaya Dawlada hoose ee hadda xilka ka tagay Abshir Aadan Maxamuud isagoo sheegay inuu Abshir uu xilkan si daacad oo hawlkarnimo ah u gutay oo xitaa uu markii meesha la furay uu ku bixiyay lacagtii uu gaarka u lahaa taas oo uu sheegay inuu ilaa hadda ku lee yahay.
Sidoo kale Taliyaha Qaybta Police-ka ee Gobolka Sool Maxamed Saleebaan Gooni ayaa waxa uu si wayn ugaga mahad celiyay munaasibada sida wayn loo soo agaasimay ee lagula kala wareegayo xil wareejinta isagoo sheegay in uu xoghayihi hore si wayn ugu amaanan yahay sida quruxda badan ee uu xilka ku wareejiyay xoghayaha cusubna ku dhiiri geliyay inay sugayso hawl culus loona baahan yahay inuu ka baxo.
Xogahayihii hore ee Dawlada hoose ayaa waxa uu halkaasi kasoo jeediyay war bixin dheer oo ku saabsan dawlada hoose iyo agabyadeeda iyo waliba shaqaalaha ka hawlgala Dawlada hoose ee Laascaanood isagoo sidoo kalena halkaasi kusoo bandhigay lacagta ku jirta khasnada Dawlada hoose ee magaalada Laascaanood.
Hadaba ugu danbantii ayaa waxaa halkaasi ka hadlay xoghayaha cusub ee Dawlada hoose ee magaalada Laascaanood Maxamed Maxamuud Cali (Xaaji Jeeni Yare) isagoo sheegay in loo baahan yahay in shaqada qaranka diyaar loo ahaado uuna xilkiisa si karti leh ugadan doono isagoo intaasi ku daray in saaxiibadiisa ah masuuliyiinta Gobolka Sool oo ay qaar kamid ahi horay usoo wada shaqayn jireen ay gacan kasiin donaan.
Ahmed Abdulahi Binow
Isuduwaha wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland ee Gobolk Sool.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Laascaanood: Xaflad Xil Wareejin Oo Ka Dhacay Dawlada Hoose Oo Ay La Kala Wareegeen Xoghayihii Hore Iyo Mid Cusub "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback