Boorama-(Lug)-Xuskii munaasabada 18ka May ee manta ayaa waxa uu xambaarsanaa dareeno isku dhafan oo ay muujinayeen dadka reer Boorama, dadka reer Booram ayaa fikrado kala duduwan ka muujiyay qaabka loo xusay munaasabadan manta ee xuska 18ka May ee sanadkan 29009ka.
Mudane 46 Jir ah oo reer Boorama ah oo Magaciisa la yidhaa Cabdilaahi Aadan Xuseen ayaa waxa uu sheegay isaga oo Lughayanews la hadlaya in 18ka May ay tahay maalin ay leeyihiin reer Awdal loona baahan yahay in lahaashaheeda la xuso lana aqoonsado in ay atahay maalin ay leeyihiin reer Awdal waxana uu intaas daba dhigay ” Waxa aan hubaa kana marag kacayaa in ay ku timid munaasbadani doonioda reer Awdal iyo salaadiintii dalka oo colaadi ka jirto naftooda geeyay Magaalda Burco”
Muwaadin kale oo reer Boorame ah oo isagu ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa Yidhi ” Maya ilama aha in ay tahay maalin si wayn loo tix galiyo sababtuna way cadahay wali umadu waxa ay u baahan tahay dib u heshiisiin iyo in lagu hago tubta dimuquraadiyada, waxana aad dareemaysaa marka aad idaacadaha dhagaysato una fiirsato sida ay madaxda mucaaridku u hadlayaan in wali ay reer Soomaliland wax wayni u dhiman yihiin, waxa aan qabaa waxa soo socota oo ay taariikhdu qori doontaa maalmo kale oo ka qiimo badan maalintan manta ah oo ay jabhadohii 199kii jiray iska suntadeen.
Sidoo kale Marwo Xayaad Cali Sahal oo iyadu ku dhaqan magaalada Boorama oo ka waramaysay dareenkeeda ku aadan munaasibadan ayaa waxa ay tidhi waa maalin wayn oo loo baahan yahay in loo soo baxo siwayna loogu dabaal dago, waamaalin ay dadka reer Soamaliland siman yihiin kuna hoos sacabo tumayaan calanka midabada leh ee reer Somaliland oo isagu dhashay maalintan oo kale mudo 18 sano hada laga joogo.
Marwo Xamda Sacad yoonis oo iyaduna ka hadashay mawqifkeeda ku aadan munaasabadan ayaa waxa ay tidhi ” Ma laha xus balaadhan dad islaam ah ayaan nahay waxana haboon in laga fogaado maalmaha kale ee noocan oo kale ah ee la xusayo ee laga dhaxlay Shuuciyadii, Somaliland guul ayaaa u soo hoyatay ah xoriyadii ay la soo noqotay maalintan oo kale balse ma aha maalin inta la soo baxo sacab la tumo lana mashxarado waxana loo baahan yahay oo kaliya in digriga la badiyo oo eebe loo mahadnaqo lagana fogaado camalkasta oo shaydaanka kuu dhawaynaya
Ma aha intan oo kaliya ee waxa aan meesha ka maqnayn in ay jiraan dad tiro badan oo iyagu qaba mawqif kan ka duwan kana fog oo ay ka qaateen xuska munaasibadan, waxase hubaal ah in ay ay adagtay in aad la kulanto ama ay war ku siiyaan dadka qaba fikirada xaqjirka ah eek u aadan munaasabada 18ka May sababtuna waxa ay tahay baqaha hoose ee ay ka qabaan sugida amnigooda ama in ay ku dhacaan gacanta sharciga Somaliland oo isagu ah mid u arka cid walba oo ka soo horjeeda qaranimada iyo gooni isutaaga Somaliland qaran dumis.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dareen Noocee Ah Ayay Ka Bixiyeen Dadka Reer Boorama Munaasabadii 18ka May ee Maanta "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback