Waxay ila tahay Md. Siilaanyo iyo Eng. Faysal Naftooda ayay Qaraxyo ugala Baqeen Muwaadin Reer Boorame ah
18ka May Quluubta ayaa Laga Xusaa mana Aha Maqnaashaha Madaxdu Qorshe Kaambayn Lagu Galo” Muwaadin reer Burcaad AhBoorama-(Lug)- Waxa shalay dalka oo dhan looga dabaal dagay munaasibada 18ka May oo ku began maaalintii uu dalku noqday mid ka go’an dalkii hore ee Soomaaliya la isku odhan jiray isla markaana 18 jirsatay kadib markii lagu dhawaaqay sanadkii 1991kii.
Sidoo kale 18ka May ayaa ah maalin ku astaansan in dalka oo dhan laga xuso lana muujiyo muwaadinimo iyo heelanaan, 18ka May waxa ay tahay maalin looga bartay in meel la iska dhigo khilaafka iyo tartanka siyaasadeed ee dalka oo dhan ka jira una dhaxeeya axsaabta qaranka, 18ka May waa maalin xushmad mudan la qiiiraysan yahay dadka oo dhana uu wada hoos joogo calanka sedexda midab ee jiifa leh ee ka turjumaya xoriyada halganka iyo badhaadhaha, waa maalin wax badan dadka reer Somaliland ay dib u milicsadaan 18 sano oo la soo dhaafay oo uu dalku ahaa mid koraya kuna barbaaray dimuquraadiyad iyo hanaan axsaab badan ah, 18ka May waa maalin ay dadka reer Somaliland badidoodu eebe u baryaan in uu dalkan ictiraaf wayn oo caalami ah siiyo. 18ka May waa maalin ay dadka oo dhan ka wada qayb qaataan wax badana lagu arko madaxda axsaabta dalka oo si midaysan u wada fadhiya una wada sheekaynaya iyaga oo ku faraxsan munaasibadan isna ag-fadhiya.
Waxa hadaba la xusi karaa sanadkan munaasabadii 18ka May ee ka dhacday magaalada Hargaysa waxa ay uga maqnaayeeen masuuliyiinta hogaanka u haysa axsaabta mucaaridka ah ee dalka kuwaas oo kala ah Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Md. Faysal Cali Waraabe, maqnaashaha madaxdan mucaaridka ah ayaa dad badan waxa ay ku abuurtay shiki ay ka muujiyeen sababta ay u maqnaayeen iyo jiritaanka iyo mawqifkooda guud ee jiritaanka dalkan, halka ay dadka qaar u arkayeen maqnaashahooda in uu yahay mid ay ku saxsanaayeen, waxana ay dad badani arintan ku falanqaynayaan goobo walba oo la iskugu yimaado laguna gorfeeyo siyaasada manta ee dalka.
Muwaadin reer Boorama ah oo magaciisa la yidhaa Axmed Cabdilaahi Nuur oo Lughayanews u cabiray dareenkiisa arintan ku aadan ayaa yidhi ” Waxay ila tahay masuuliyiintani waxa ay u baqeen naftooda waxana ay ka baqeen in qaraxyo lala beegsado munaasabada, waxa ay ila tahay madaxnimadu waa hibo eebe, ma bixiyo qabiil laguma helo halgan iuo hanta labadaba waxana ay ila tahay ninka madaxda ahi waa kan umadiisa u hibeeya naftiisa maalinta ay cabsidu jirto, waxa kale oo ay ila tahay isla markaana aan leeyahay Madaxda mucaaridka ee Kulmiye iyo UCID shalay waxay ahayd maalintii gooni isu taaga Somaliland ee yaa marti looga ahaa maxaadse u maqnaateen ma maalin ay udub leedahay ahayd mise UDUB ayaa marti loo ahaa?
Sidoo kale Marwo Aamina Siciid Cige oo iyaduna ku nool magaalada Hargaysa khadka taleefankana ugu warantay Lughayanews ayaa ku dooday dareen la mid ah kan muwaadinka hore oo kale waxana ay tidhi ” Nin ka baqay Khayriyada Hargaysa oo xuskii dalku uu ka socday aaminsana nabad galyo xumo ayaa ka dhacaysa oo Hodheel ku qabsaday shir jaraa’id miyuu hogaamin karaa masiirka umadan u baahan hogaamiye nafta u hura habeen iyo malinba, waxa iyada oo sii wadata hadalka ay tidhi ” Madaxwaynhe Rayaale marna ma cabsi galinayaan kooxo iyo ururo argagixiso waxana uu muujiyay geesinimo iyo hogaan wanaag ah dadkaaga wax la qab.
Muwaadin kale oo magaciisa la yidhaa Maxamed Axmed Cali oo ku nool Magaalada Berbera oo arintan uga waramay Lughayanews ayaa yidhi ” Ka maqnaashaha maalintii jiritaanka dalka ee madaxda Kulmiye iyo UCID waxay ku tusaysaa in taageerayaashoodu meeshii ay joogeen ay ka maqnaayeen loona tarjuman karayo in ay ugu talo galeen in ay iyagu qabaan wax aanay qabinshacabkoodu.
Dhanka kale Muwaadin Cabdilaahi Xuseen Cilmi oo reer Boorama ah ayaa qaba dareen kale oo kan ka duwan waxana uu yidhi ” Xukuumadu waxa ay muujisay in ay axsaabta meel walba ka xidhato waxana hubaal ah in ay tani la xidhiidhay dareenka guud eek u aadan mawqifka xukuumada ee dalka, ma aha in xuska munaasibadan loo arka oo kaliya in ay muhiim u tahay isku imaatinka Khayriydaha man Beerta Xoriyada waxa lagu xusi karaa gurigaaga iyo meel walba hadii ay Khayriyada ka maqnaayeena waxa ay ila tahay in ay dareenkooda ku muujiyeen meeshii ay joogeen.
Muwaadin kale oo Magaciisa ka gaabsaday kuna nool Magaalada Burco oo khadka teleefanka ugu waramay Lughayanews ayaa yidhi ” Madaxda mucaaridka maqnaashahooda ma aha arin olole doorasho loo adeegsado qofkana duruufo ayaa la soo wajihi kara waxana haboon in lagu qanco wixii ay ka yidhaaheen shirki jaraa’id ee ay qabteen waa hubaal in ay 18ka may tahay malin laga xuso Quluubta loomana baahna in umada la istuso”
Waxa hunbaal ah in munaasibadan dalka oo dhan laga xusay iyada oo masuuliyiinta heer gobol iyo dagmo ee Axsaabta mucaaridku ay si isku mid ah uga wada qayb qaateen, waxa la xusi karaa in masuuliyiintii gobolada qaarkood ka khudbadaysay ay jeediyeen hadalo aanan la qiyaasi Karin oo galay taariikhda, waxa la soo xigan karayaa khudbadii Masuul sare oo ka tirsan xisbiga UCID uu ka jeediyay magaalada Barbara in uu gaadhay heer uu ooyo ama miyir doorsoomo taasi oo ay ku micneeyeen Suxufiyiintu in ay ugu wacnayd qiimaha ay la leedahay maalintan iyo gocashada hilinkii dheeraa ee loo soo maray gooni isu taaga Somaliland, halka masuulii ugu sareeyay xisbiga UCID waa Eng. Faysale oo ka maqnaa saaxasii xuska munaasabadan isaga oo hadan aanan shirkii jaraa’id ee uu qabtay ku sheegin wax lagu qanco oo uu u maqnaa. Dhanka kale waxa la soo xigan karaa sidii dhiiranaanta lahayd ee gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal Md. Ibraahim Aadan Qaalib uga hadalay khayriyada Boorama una dhaleeceeyay maamulka gobolka una hambalyeeyay umada reer Somaliland iyda oo uu gudoomiyihii xisbigiisa Mud. Siilaanyo ka gaabsaday in uu xitaa hambalyeeyo umada reer Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee waxa uu ka maqnaashaha Madaxdii mucaaridka ee xuskii shalay noqday mid iskii taariikhda ugalay, waxa uu noqday mid faalo hor leh iyo mahadhooyin ku reebay majlisyada lagu falanqeeyo masiirka siyaasada iyo siyaasiyiinta manta, waxa uu noqday mid wax wayn la iska waydiiya sababta keentay waxa ay damacsanaayeen iyo meesha ay ku maqnaayeen, waxa sidoo kale uu maqnaashahoodu noqday mid calaamatul su’aal wayn dul saartay sida ay u hanan karaan hogaanka umadan iyo mawqifka taageerayaal badan oo filayay in ay madaxdooda ku arkaan goobta Beerta Xoriyada ee lagu xusayay Munaasabadii 18ka May ee 2009.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dareen Noocee Ah ayay Dadka Reer Somaliland Ka Muujiyeen Maqnaashihii Madaxda Mucaaridka ee Xuskii 18ka May ee Shalay Ka Dhacay Beerta Xoriyada Ee Hargaysa "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback