Doha-(Lug)-Waxa ayaan darro ah iyada oo aduunka oo dhan laga xussay maalinta qaaliga ah ee 18 MAY oo qiimo badan ugu fadhida dhamaan shacbi waynaha Somaliland, in ay baaqato xafladii sida caadiga ah loogu qaban jiray sanad kasta magaalada Dooxa, ee wadanka Qatar. Hadaba iyada oo sababaynta arintan lagu salayn karo dhawr wax, ayaan anigu waxaan ku salaynayaa iyada oo aan wadanka Qatar lahayn, Jaaliyad adag oo matasha shacbiga soomaaliland sida wadamada kale ee ku yaala daafaha dunida oo dhan oo ay ka jiraan jaalliyado adag oo suuragalin kara arin kasta oo shacabka u dan ah, hadii ay tahay dabaal dag xafladeed iyo hadii ay tahay xag kale oo wax qabadba.
Hadaba anigu waxaan odhan karaa, Jaaliyad kasta oo matasha dal ama dad waxay ku dhisantahay towfiiq iyo is af garad, waxaanay ka koobantahay dhamaan dadka ku nool dhalin iyo cirooleba. Waxa hadaba nusqaan ah sababta u wayn ee ay fadhiid ka u noqoto xafladan 18 May ee wadanka Qatar ayaa waxay tahay waa xaflad ay cunaha iskaga mareen 4 oday oo 60 jiro ahi, iyaga oo aan u ogolaan had iyo jeer dhalin yarada oo runtii ah kuwa xaflad kasta oo ka dhacda dalalka aduunka suuro galiya. Marka xataa la eego xafladihii hore uga dhici jiray magaalada Qatar ayaa ahaa kuwo aan si fiican u habaysnayn, sababta oo ah markasta oo waxa fadhiid ahaa qaban qaabada iyo diyaar garawga oo badanaa ay gacata ku hayaan dad aan lahayn firfircoonidoodii iyo dhiiranaanteedii.
Habadaba hadal iyo dhamaan waxaan u soo jeedinayaa shacbi waynaha reer Soomaaliland ee ku dhaqan wadanka Qatar in ay wax ka badalaan nidaamkan fadhiid ka ah, oo aanay mar labaad dhicin waxa dhacay sanadkan maanta ah, ee ay kaga hadheen munaasibadii qaranka ee caalamkoo dhan laga qabtay. Waxa kaliya ee lagaga gudbi karaana waxa weeye arinta oo loo dhaafo cidii u fara dhuudhuuban, khibrad iyo firfircoonina u leh.
Allaah Mahad Iska Leh.
Ibraahim Koosaar Muxumed
Doha, qatar +9745468316
naasir7171@hotmail.com
Fikrada Qoraagu Kama Turjumayso Aragtida Lughayanews


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maxaa Sabab U Ah In Ay Baaqato Xafladii 18 May Ee Sida Caadada Ah Lagu Qaban Jiray Wadanka Qatar? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback