0.jpgSanca-(Lug)-Xaflad si heer caalami ah loo soo agaasimay oo lagu xusayey 18 may ahna sanadguuradii 18aad ee ka soowareegtay gooni isu taaga Somaliland ayey ku qabteen Ururka Ardayda ee reer Somaliland magaalada Sanca ee wadanka Yemen .
41.jpg

0.jpg
 
Xaflada ayaa waxaa ka sooqaybgalay dadwayn aad u tiro badan oo iskugu jira dhalinyaro dumar iyo dhalaan dadkaasi oo ay dhamaantood wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo raynrayn kuna dhawaqayey Somaliland hanoolaato Somaliland ha la ictiraaf iyo kalmado kale oo ay ku cabirayeen shucuurtooda ku aadan 18 may.

1.jpg
 
Waxa xaflad ka hadlay gudoomiyaha Ururka Ardayda oo hada xilka haya iyo gudoomiyayaashii uga soo horeyey xilka Ururka oo intooduba cabiray sida wayn ee ay ugu faraxsanyihiin maalintan qaaliga ah ee 18 may kana waramay taariikhda Somaliland iyo hurumarka ay samaysay mudadii 18 sano ahayd hadii ay noqoto dhinaca wax barashad iyo dhinaca nabadaba.

21.jpg
 
Dhinaca kale waxaa iyaguna aan ka maqnayn oo doorkooga ka ciyaaray fanaaniin iyo madadaaliyayaal waxana halkaasi ay ka jeediyeen heeso,gabayo,majaajilo iyo riwaayado aan kala go’ lahayn oo intuba dadwaynahu ay aad ugu riyaaqeen si kastaba ha ahaatee xalada ayaa ahayd mid aad u daganayd islamarkaana socotay saacado aad u badan.

42.jpg
5.jpg
6.jpg
7.jpg
8.jpg
9.jpg
10.jpg

  
Wariye:-
Xamse Maxamuud Cabaas
Lughayanews-Sanca (Yemen)