Riyaad(lug)-dabbaal deggii 18ka May ee gooni isku taagga Somali Land ayaa lagu qabtey magaalada Riyaad ee xarunta dalka Sucuudiga, waxaana halkaasi lagu soo bandhigey
barnaamijyo kala duwan oo lagu cabbirayey farxadda maalintaasi, iyada oo ay dad faro badani ka soo qayb galeen xuskaasi, inkasta oo uu dabaaldeggu xilligiisii dib uga dhacey.
Maxamad Bashiir Xaddi (Baaageero) oo ka mid ahaa qabanqaabiyeyaasha xafladdaasi ayaa Lughaya News u sheegey in xafladda oo lagu qabtey hoolka munaasbadaha ee Nisfal -Qamar ee ku yaal xaafadda alSuweydi , ay xilligeedii dib uga dhacdey sobobo la xidhiidha farsamada qabanqaabada, waxaana soo abaabuley buu yidhi ururka dhallinyarada reer S.Land ee Sucuudiga ee magciisa lagu soo gaabiyo (SSYO), Bagaaro waxa kale oo uu intaa ku darey in uu ururkani munaasabadaha uu wadaniga ku tilmaamey si joogto ah u abaaabulo.
Guddoomiyaha ururka SSYO Liibaan Barre ayaa isaguna khudbad uu madasha ka jeediyey ugu mahadceliyey dhammaan dadkii debbaaldeggaasi soo qaban qaabiyey kana qayb qaatey hirgelintiisa, iyo dhammaan bulshada ka soo qayb gesheyba, sidoo kale waxa uu ka warramey ujeedooyinka ururka uu madaxa ka yahay oo uu sheegey inuu yahay mid wadani ah aanse siyaasi ahayn.
Xuskaasi waxa khudbad diini ah ka jeediyey Sh.Xasan Daahir Cige oo dadwaynihii meesha isugu yimid faray iney ilaahey uga mahadceliyaan horumarka nabadeed ee ay gaadheen islamarkaana ay ilaahey u baryaan walaalahooda Xamar ku dhibaateysan.
Axmad Ismaaciil Xuseen ayaa isaguna madasha gabay la yidhaa 18ka May ka tiriyey oo aad loola dhacey, waxaase ugu yaab badnayd gabadh aad u da` yar oo magaceeda la yidhaa Aragsan Baddel Ismaaciil oo goobtaasi gabay carabi ah ka tirisey, dad waynihii meesha isugu yimidna ka qiireysiisey.
Tixdaasi carabiga ah ee ay abwaan Aragsan Baddel curisey ayaa diiradda saartey qiimaha waddanka iyo dhibaatooyinka qurbaha, waxayna aad u ammaantey sida ay hadalka u dhigtey dalkeeda Somali Land, iyo madaxwayne Daahir Rayaale Kaahinka haatan ka taliya, iyada oo ay dad waynihi xafladda ka soo qayb geley sacab iyo qaylo farxadeed isku dareen, waxaana xafladda daadihinayey Mustafe Dalaal iyo Faysal Sharqiya.
Xafladdasi waxa kale oo lagu soo badhigey ciyaaro kala duwan, oo ay ka mid yihiin ciyaaraha dhaqanka sida dhaantada, saddex leyda iyo Sayliciga, iyada oo uuna qoob ka cayaarka casriga ahi meesha ka maqneyn.
Sidoo kale todobaadkiii inna dhaafey ayaa magaalada Axsa ee bariga sucuudiga lagu qabtey dabbaal degga S.Land ee 18ka May, waxaana la sheegey in si wayn xukaasi looga qaybgeley.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Jaaliyadda S/Land Ee Riyaad Iyo Dabbaaldeggii 18 Ka May "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback