London (Lug)- Mr. Axmed Maxamed Axmed (Jawhari) oo ka tirsanaan jirey xisbiga talada haya ee UDUB, dhowaanna ku biiray urur-siyaasadeedka UDHIS, ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu magaalada London ee carriga Ingiriiska ku siiyey wargeyska Jamhuuriya Times, waxa uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan waxyaabihii uu kala soo kulmay Somaliland.
Mr. Jowhari oo ahaa murrashaxii isu soo taagay jagada Madaxweyne-ku-xigeenka UDUB dhexdiisa ee laga horjoogsaday shirweynihii labaad ee xisbigu ku doortay murrashaxiinta uga qaybgalaya tartanka doorashada madaxtooyada ee soo socota, ayaa xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku tilmaamay mid fadhiid ah, isagoo asxaabta mucaaradkuna ku eedeeyey in ay ka gaabiyeen kaalintoodii.
Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:
Suaal: Axmed; bal nooga warran xaaladda Somaliland oo aad dhawaan ka soo laabatey?
Jawaab: Waddankii waa lagu nabad-qabey, laakiin wuxuu ahaa mid dib u sii guranaya marka dhinacyo badan laga eego oo aan ku dhaqaaqin horumarka dadkeenu xaqa u leeyihiin inay helaan, gaar ahaan hoggaanka siyaasadda.
Suaal: Intii aanad Somaliland tagin waxaad sheegtey inaad u tartameyso jagada guddoomiye-ku-xigeenka ee xisbiga talada haya ee UDUB, halkee ayuu ku dambeeyey higsigaagii?
Jawaab: Waxaan isu soo taagey jagada guddoomiye-ku-xigeenka ee UDUB oo aan muddo badan ka tirsanaa. Xisbiga UDUB wuxuu noqday mid aan dimoqaraadi ahayn oo xubnaha xisbigu aanay fikirkooda dhiiban karayn oo aan marxaladda dalka iyo ta xisbiga midkoodna laga doodi karayn. Talada xisbigu waxay ku kooban tahey hoggaanka maanta jira oo kaliya. garabkii isbeddel-doonka ahaa oo ay ku jireen aasasayaashii xisbigu waa la takoorey oo dibadda ayaa la dhigey, taasoo dhawaac wayn gaadhsiisey sumcadda xisbiga UDUB, kuna hungoobeen inta danaysa dimoqraadiyad dhab ah oo ka taaba gasha xisbiga UDUB.
Suaal: Somaliland waxa ka jira saddex xisbi oo kaliya, haddii aad diidey sida UDUB wax u wado maxaa labada xisbi ee kale midkood ugu biiri weydey?
Jawaab: Dawladda maanta joogtaa waa fadhiid, xisbiyada mucaaridkuna way gabeen kaalintoodii. Uma eka kuwii inta ay dawladdan beddelaan wax ka qaban kari lahaa baahiyaha dalka iyo dadka. Shakhsiyaad la beddelaa macno weyn ma laha, laakiin waxa loo baahan yahey in aynu qiimeyno marxaladda dalkeenu marayo, feker cusubna la nimaadno.
Suaal: Waa maxey siyaasadda ururkiina UDHIS?
Jawaab: Siyaasadaha ururka UDHIS haddaan qodobadda ugu muhiimsan kaaga taabto waxa ka mid ah :
1. In madaxbannaanida Somaliland aanay gali karin gorgortan.
2. In mucaarid iyo muxaafidba, gudo iyo dibedba olole ballaadhan loo galo sidii looga midho dhalin lahaa ictiraaf caalami ah oo uu dalkeenu helo.
3. In si dhab ah dalka looga hirgaliyo ganacsiga suuqa xorta ah, shakhsiyaad gaar ahna aan loo xidhin ilaha ganacsi ee waddanka.
4. In dib-u-habayn lagu sameeyo caddaaladda waddanka si loo helo nidaam caddaaladeed oo ka madaxbannaan farogalin siyaasadeed.
5. In la adkeeyo haykalada dawladeed iyo ku dhaqanka dastuurka.
6. In la helo warbaahin xor ah, si buuxdana uga madaxbannaan farogalin siyaasadeed.
Suaal: Xukuumadda Somaliland waxa ay sheegtey in aaney haba yaraatee aqoonsaneyn jiritaanka ururka UDHIS sidee taas aad u aragtaan?
Jawaab: Way jirtaa oo hirta lama furin in ururrada la hirgeliyo oo xataa xisbiyada maanta jira sharcigu wuxuu qorayey inay haystaan muddo shan sanno ah, taasina beri hore ayey dhammaatay oo saddexda xisbi qaran ee maanta jira iyaguba ma haystaan sharci. Xikmadaa siyaasadeed ee dalku kuma koobna xisbiyada maanta jira oo kaliya, ururkayaguna waxa uu u taagan yahey danta guud ee dalka iyo dadka.
Suaal : Ma jiraa wax horumar ah oo dawladda maanta jirtaa ku soo kordhisey waddanka?
Jawaab: Wax way jiraan oo dhaqaalaha waddanka soo gala maalinba maalinta ka dambeysaa wuu sii kordhayaa, inkastoo halkuu ku dambeeyo aan la ogeyn. Hadda wax horumar ah oo la taaban karo may soo kordhin, xisbiyada mucaaradka ahna ma tilmaamaan dhaliilaha dawladda ee shakhsiyaad ayaan ka hadlaan, taasoo u muuqata in haddii mucaaradku talada qabto ay iyaga laftoodu rabaan iney habkan ku dhaqmaan, dawladda maanta jirtaana waxaad mooddaa ishii ay horumarka ku eegi lahayd iney ku isticmaasho iska celinta mucaaradka.
Suaal: Markii aad waddanka ku laabatey waxa aad u taagneyd jagada guddoomiye-ku-xigeenka UDUB, haddana waxaad ku biirtay ururka UDHIS. Iminka soo noqodkaagiina taageerayaashadu waxay kuu sameeyeen xaflad dabbaaldeg ah, markaa waa maxey guusha aad soo hoysey ee loo dabbaaldegayey?
Jawaab: Muu aheyn dabbaaldeg, balse waxa uu ahaa kulan xog-waraysi ah oo ku saabsan marxaladda waddankeenu maanta ku sugan yahay iyo sidii loo heli lahaa isbeddel siyaasadeed oo waxtar leh.
Jamhuuriya Online


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " “Dawladda Maanta Joogtaa Waa Fadhiid, Xisbiyada Mucaaridkuna Way Gabeen Kaalintoodii” Waraysi - Axmed- Jowhari "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback