Boorama-(Lug)-Tartankan oo ah mid sanad waliba laga qaban qaabiyo dugsigan bisha labaad lana soo dhamaystiro bisha shannaad, ayaa waxaa sanadkan ka qaybgalay arday tiradoodu dhan tahay 610 arday kuwaas oo ka kala socda dhamaan fasalada kala duwan ee dugsiga.
Fasalada 8aad ilaa 2aad tartankan oo socday mudo dhan 4bilood, waxa uu ahaa mid aad u xiisa badan ayaa ardayda dugsigu waxa ay ka faa’iidaysteen arimo aad umihiim ah ay ka mid yihiin .
? In Ardayda Dugsigu Kor Uqaadaan Waxbarashadooda, Dhisaana Aqoontooda Maskax Ahaaneed.
? In Ay Ardaydu Dhexdooda Iska Bartaan, Kalana Faa’iidaystaan Cilmiga Dhexdooda Ku Jira.
? In Ay Dhiiri Galiso Dadaalka Ardayga Iyo Ku Noqoshada Casharadiisa Iyo Duruustiisa.
? In Ay Ku Tababartaan Sidii Ay Ula Tartami Lahaayeen Ardayda Dugsiyada Kale Ee Degmada.
? In Ay Noqdaan Arday Tusaale Unoqota Dugsiyada Kale Maadaama Ay Yihiin Dugsiga Kali Ah Ee Uu Ka Socda Barnaamuj Noocan Oo Kala Ah.
Tartankan oo heerar kala duwan soo maray waxaa ka qayb qaatay 12fasal oo iskugu jira dugsiga dhexe iyo hoose, waxaana loo kala qaybiyay laba qaybood oo kala ah group A Iyo group B. group kasta waxaa ku jira 6fasal. Group kastaana iyaga ayaa iskood isku arkayay. Waxay soo mareen saddex wareeg , fasal walina waxaa la waydiinayay casharada ay ku qaataan fasalkooda waxaana waydiinay macallimiinta dugsiga dhigta.
Hadaba xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen dhamaan maamulka macallimiinta iyo marti sharaf kale oo qiima leh ayaa lagu. qabtay maanta oo ay taariikhdu tahay 25/05/09, barxad wayn ee dugsiga.
Xafladaas waxaa lagu gudoonsiiyay kuubkii waxbarashada iyo abaal marino kale ardaydii ku guulaystay tartankii sanadkan oo ah hormoodka dugsiga ee fasalka 8aad.
Waxa kale oo iyadna halkaas abaal marino lagu gudoonsiiyay , fasalkii ku guulaystay kaalinta labaad oo ahaa fasalka 3aadA ee dugsiga hoose.
Waxaa halkaa hadalo kookooban oo mahadnaq ubadnaa ka soo jeediyay maamulaha Dugsigan hoose dhexe ee cumar binu khadaab C/wahaab C/laahi Adam oo ku dheeraday sida ay muhiim u tahay in tartanadan noocan oo kale ee ka qayb qaataan dhamaan ardayda dhigata dugsiga , waxaana uu ku dhiiri galiyay in la sii joogteeyo tartanadan oo kale wuxuuna balan qaaday inay sanadada danbe diyaarin doonaan tartano ka balaadhan oo loogu tagi doono dugsiyo kale oo degmada ama guud ahaan gobolada dalka.
Waxa kale oo halkaa ka hadlay maamule ku xigeenka dugsiga Maxamed Cali Cumar. oo muhadnaqay macallimiinta soo diyaarinaysay su’aalaha aqoon iswaydaarsigu ku socday.
Waxaana uu hadalkiisa ku soo koobay inay faa’iido u leedahay ardayda in tartanadan noocan oo kale loo qabto ardayda.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Tartan Waxbarasho Oo Mudo Ka Socday Dugsiga Hoose Dhexe Cumar Binu Khadaab Boorama Oo La Soo Gabagabeeyay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback