wasaaraduu-xanaanada-xoolaha.JPGBorama-(Lug)-Magaalada Boorama ahna magaalo madaxda gobolka Awdal ayaa waxa waayadan dambe si cad looga dareemaya iibsiga iyo xaraashka dhulka danta guud, Daaraha ka hadhay xafiisyadii adeegyada dadweynaha ee ka hadhay xukuumadiuhii Siyad Barre iyo tii u horreysay ee Soomaaliland.

wasaaraduu-xanaanada-xoolaha.JPG

Inkastoo daweynaha Boorama qaarkii  aanay ka hadal arrimahan inta badan u arkaan ceeb  Aan loo baahnayn inay dibedda uga baxdo balse dhinaca kale waxay dhiirrigelisay arrintani waddanimo la’aanta iyo daciifinta maamulka dawladda.

Xarumaha dawladda ee weli xoogga lagu haysto ama shaadh beeleed lagu haysto way badan yihiin, qaarna waaba la dhistay  dadka dhistayna isku haystaan ama aaminsan yihiin  haysta in dhulkaasi yahay mid aanay cidi lahayn, dawladina jirin, kuwaasoo inta badan isku haysta inay ka awood badan yihiin bulshada inteeda kale dawlad ahaan iyo beel ahaanba dawladda hoose ama tan sarabe.

dhismayaashii-gudmaysiga.JPG

Arrimaha caynkan ah oo maraya meeshii ugu xumayd muddo sannado ah ayaa lagu qaatay dhulkii, dhismayaashii iyo xarumihii laamaha dawladda kuwaasoo dhawr iyo toban sano ka hor ka muuqan jiray guud ahaanba reer Soomaaliland.

Reer  Boorama ayaa sidoo kale waayadan u muuqda inay ka baxeen xishoodkii  xaaraanta ay ka xishoon jireen, daacadnimadoodii maamulka dawladeed , ilaalinta hantida qaranka dad badan oo maanta magaalada u dhashayna u arkaan in ku takrifalka iyo xatooyada xoolaha dadweynuhuba yihiin ilbaxnimo la is dheeryahay.

Tan iyo markii maamulkii marxuum Cigaal laga saaray Muj. C/raxmaan Aw Cali meeshana uusoo galay Daahir Rayaale ayaad mooddaa in qaar ka mid ah dadweynaha Boorama ay haad u heleen xatooyada xoolaha umadda ka dhexeeya iyo bililiqaysiga dhulka dawladda iyo dhismayaasha dawladda iyo hantida maguuraanka ah ee laga dhaxlay xukuumadihii ka horreeyey tan Rayaale.

Hase yeeshee ninka maanta og sida wax ahaayeen waagaasi iyo sida maanta ay yihiinna wuxu ogaanayaa  sida isku bedeshay xaaladda dawladnimo ee waagaasi iyo tan maanta. Waxa la iibsaday ama dib loo dhistay dhulkii dlaamaha dawladda ha ugu daraadaan xarumihii wasaaradaha beeraha, xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa, dhismayaashaasoo weli taagan ayaa dhulkii ay ku yaalleen iyo wasaaradihiiba waxa qariyey  dhismayaal lagu wada xidhay xafiisyadaasi meel laga galaana anay jirin xafiisyadaasi iyadoo dhulkaasi ay ii bsadeen ganacsato reer Boorama ah oo la tuhunsan yahay inay heshiisyo la galeen maamullada iyo maayaradii iskaga dmbeeyeymagaalada Boorama lagasoo bilaabo 1999kii.

Baabiinta raadadka dawladnimo ee reer Boorama ayaa waxay xoogeysatay intii ka dambaysay Maayarkii  ugu horreeyey ee Daahir Rayaale magacaabo ,lana yidhaa Ibraahim Magan , odaygaasoo wax badan u dagaalamay dhulka danta guud ayaa xil ka qaadistiisii loo nisbayn karaa amarro iyo qoraallo kaga yimid xukuumadda sare, laguna amrayo inuu dhul danta guud ah siiyo ama ka iibiyo nimanka ula ima jiray 

Maayarkaasi oo xitaa isku dayey inuu dib usoo celiyo seerihii Boorama  ayaa intii ka dambaysay waxa Boorama ka dhacay  wax cid kasta oo damiir waddaninmo ku jiro ka xumaato. Dhulkii ama dhismayaashii laga dhaxlay ah lagu samayn , halka kuwa lagu sameeyeyna lagu xidhay daaro kale. Kuwa kale ayaa dad iska deggen yahay awwood dawladeedna lagaga sari kari waayey, iyagoo adeegsanaya shaadh beeleed iyo shaadh dawladeedba, waxan maanta la marayaa in meelihii ugu dambeeyey ee ka hadhay xukuumadahaasi ay dul gaafwareegayaan dad iyagu ku mamay iisiga dhulkan oo kale .

La Soco

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama