Waxa maanta kulan gaar ahi dhex maray Ku xigeenka wakiilka Somaliland ee Sweden Mudane Hussein Mohamed Ali ( Hussein Wadadyare) iyo Marwo Carina Hägg oo ah marwo ka tirsan gollaha wakiilada ee dalkan Sweden, lagana soo doorto gobolka Jönköping ee dalka Sweden.
Marwadu waxa ay aad u amaantay sida qiimaha leh ee Jaaliyada Somaliland ee Stockholm u abaabushay xafladii qiimaha lahayd ee 18ka May waxa sidoo kale ay aad ula dhacday isku duubnida shacabka somaliland ee Sweden, iyo sida ay uga go’an tahay in ay helaan aqoonsi buuxa, waxaana ay hoosta ka xariiqday in ay maalin uun booqan doonto Somaliland.
Marwadu waxa ay xasuusisay Hussein Wadadyare, kulankii ay la kulantay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin muddo hadda laga joogo 2 sanno , taas oo uu Sweden ka codsaday inay dimoqraadiyada iyo rabitaanka shacbiga Somaliland taageeraan.
Waxaana ay ka markhaati furtay in rabitaanka shacbiga Somaliland ee Sweden uu ka turjumayo shacabka Somaliland ee guddaha, waxaana ay kula dardaarantay shacabka Somaliland inay ilaashadaan nabadgelyadooda , kaas oo ay kaga midho dhalin karaan aqoonsiga ay hiigsanayaan.
Marwadu waxa ay ka mid tahay xildhibaanada laga soo doorto xisbiga ugu taageerada badan dalkan Sweden ee socialdemokraterna , waxaana ay hadda ku jirtaa xubnaha u sharaxan wakiilada Europé waana numberka 13aad, Hussein wadadyare waxa uu ka codsanayaa dadka haysta dhalashada Swedishka inay u codeeyaan Marwadaas iyo xubnaha kale ee taageersan qadiyada Somaliland.
Wariye:-
Mohamed Mussa inji
Hargeysa Somaliland
Email: mahamad95@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Marwo Carina Hagg Oo Ah Mudane Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Ee Sweden Oo Somaliland Si Weyn U Amaantay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback