Qalinkii Wariye Maxamed Cumar
untitled1121.JPGBorama-(Lug)-Sida la ogyhay dawlad xafiisyadeedii dad shicib ah  xoog ku haystaan ama siyaalo kale  looga horjoogo inay hawlaheeda ku qabsataayi maaha dawladnimo taam ah

untitled11.JPG

Dhinaca kale magaalada Boorama oo ah magaalo madaxda g/awdal waa hoyga uu kasoo jeedo madaxweyne Rayaale sidaa darteedna waxa waajib ku ahaa in laga dheehdo muuqaalka dawladnimada Rayaale hoggaaminayo muddada toddobada sannadood waxanad mooddaa in Boorama maanta tahay magaalo dhinac walba ka liidata, maamulka laamaha dawladduna gabaabsi ku yihiin .

untitled2.JPG

Waxa gobolka si caadi shaqadooda looga arki karaa ugu badnaan afar wasaaradood oo kala ah wasaaradda caafimaadka, wasaaradda waxbarashada, wasaaradda maaliyadda iyo laamaha hoos yimaadda wasaaradda gudaha sida Booliska, maamulka gobolka iyo maamulka dawladda Hoose  iyo ciidanka xabsiyada marka afartaa ama shantaa  laga yimaaddana inta kale ma haystaan meelo ay ku shaqeeyaan ,mana jiraan shaqaale muuqda oo ay hay’adahaasi maamulaan marka laga yimaaddo isuduwe an xafiisyo lahayn oo keligii marna Hargeysa usoo socda marna usii socda .

untitled4.JPG

Haddaba markaan dib ugu noqonno hay’daha shaqeeya ee fara kutiriska ah ayaa  dhinaca kale waxa haysta cadaadis kaga imanaya qaar ka mid ah ganacsatada magaalada ama gobolka u dhashay kuwaasoo inta badan shiishka saara sidii ay iibsan lahaayeen taako kasta oo bannaan oo ka mid ah dhulka dawladda, maal fara badanna ku bixiya sidii ay maamulayaasha dawladda ee shaqada  ku leh dhulka danta guud u siin lahaayeen laaluush, taasoao qaarkood ka aqbalaan ama ka qaataan laaluushkaasi kuwa kalena diidaan .

untitled112.JPG

Mashaakilka ugu badan ayaa waxay haystaan maamulayaasha waxbarashada  Boorama isla markaana waxay mashquuliyeen masuulyiinta wasaaradda waxbarashada inay had iyo jeer gaadh ka hayaan weerarka lagu hayo goobaha waxbarashada.Waaxa la dhistay dhul ay lahaayeen dugsiyada magaalada qaarkood halka kuwa kalena dagaal ba’an lala galay cid kastoo isku dayday  inay usoo soo hungureyso.Iskaashiga la iska bahaystay  dhulka noocan ah in laga daafaco dadka boobaya ayaa waxa tusaale fiican looga dhigan karaa dugsiga Sare Ee Sh.Cali Jawhar ee lagu qabtay shirweynihii beelaha Soomaaliland 1993dii.

untitled124.JPG

Waxa kale oo boobka dugsiyada iyo xafiisyada dawladda tusaale fiican u noqon kara xafiiskii hore ee boosaha  iyo isgaadhsiinta meeshii xoolaha lagu daaweyn jiray   ama lagu dhibayn jiray oo aan maanta  la garanayn dhulkii ay oolli jirtay. waxa tusaale ugu noqon kara seeska lagu qabtay dugsiga Adan Isaaq oo  boqol tallaabo  wax aan ka badnayn u jira  guriga Madaxweyne Rayaale ku leeyahay Boorama, waxa kale oo iyadana weli lagu murmaa sidii loo iibsan lahaa ama loo dhisan lahaa gurigii loogu talogalay taliyaha Booliska gobolka Awdal, ,waxa la dhistay kastamkii hore badhna loo malaynayo in la xaraashayba halka kuwa kalena  qarka u saaranyihiin in la xaraasho, cidda xaraashaysa iyo cida laga xaraashayana aanay ka fogeyn maamulka dawladda iyo qaar ka mid ganacsatada .waxa inta badan la badbaadiyey dhismayaashii wasaaradda caafimaadka oo dhakhtar la yidhaa dhakhtar Gees uu 1994kii ku wareejiyey deyr lagaga celiyo dadka dhul boobka ah, cidina dib umasoo eegin dhulkaasiilaa maanta .waxa kasle oo iyadana shicibka reer Boorama ee waddaniyiinta ahi sutida u qabteen badbaadinta guryaha dawladda ee maanta dhisan ,balse dayacan sida guriga martida oo ay qalabayntiisa ugu dambaysay wakhtigii uu noolaa marxuum Cigaal, badhsaabna uu gobolka ka ahaa badhsaabka saaxil ee haatan Maxaed C/Laahi. Gurigan oo maanta ka arradan  gogosha, daahyada , biyaha iyo wax kastoo lagama maarmaan u ah martida  kusoo degta .

Si kastaba ha ahaatee waxa ku dhacaya dhulka ka hadhay dawladihii Soomaaliya iyo Soomaaliland iskaga danbeeyey, waana wax ffka baxsan anshaxa dawladnimo iyo dadweyne horumar doonaya oo goobihii looga adeegayey kala boobaya, kuwa kalena ku haystaan magac beeleed iyo shaadh dawladeed iyadpoo laamihii dawladda ee guryahan shaqada ku lahaa ay ka quusteen inay wax jawaab ah ama go’aan ka helaan  madaxda sare ee uu kaw ka yahay Daahir Rayaale aanad mooddo inuu jiro nidaam lagu kala iibsanayo waxana la tuhunsan yahay inuu jiro xidhiidh lagu boobayo ama lagu xaraashyo dhulka danta guud oo u dhexeeya maamulayaasha sare ee dawladda iyo maamulka magaalada oo si ay isku jeclaysiiyaan xukuumadda sare fulinaya wax kastoo hanti guud ah oo uu ka xishoonayo qofka damiirka lihi.waxana ololahan lagu boobayo dhulka danta guud ku biiraysaa uun maamaulxumada xukumadda Rayaale lagu eedeeyo toddoba sano ku dhawaad uu dalka soomaaliland xukumayo

 

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama