dsc01067.JPGWaxa xalay la soo Gabagabeyey Ciyaarihii jaaliyadaha oo mudo ka socday wadankan Qatar oo ay ka soo Qayb galeen jaaliyado badan oo Dalka Qatar Degan, halkaas oo kooxda k/cagta ee  Jaaliyada Soomaaliyeed ay wacdaro kadhigtay, waxa xalay ciyaartii kama Danbaystay Dhex Martay kooxda Jaaliyadda Wadanka Masar iyo xiddigaha  Jaaliyada soomalida  oo halkaa gushu ku racday  kooxdeena  5-2.

dsc01067.JPG

 Ciyaratan oo ay ka soo Qayb galeen Madax Sare oo Ka kala Socota Labada Safaradood ee Soomaliya iyo Masar  Iyo Madaxda Isbooritaga Jaaliyada oo uu Hor kacayo Mudane  Xasan Diiriye Nuux iyo Xoghaya Jaaliyada Mudane Cabdla Neero iyo Xubnaha Jaliyada Soomaliyeed, Safiirka Soomaliya u Fadhiya Wadanka Qatar Mudane Ismaaciil Qaasim Naaji iyo la Taliyaha Safarada Masar Ayaa gabagabdii gudoonsiyey koobka jaaliyahada kooxda Jaaliyada Soomaliyeed Kabtankooda.

dsc01084.JPG

Kooxda  jaaliyada Soomaliyeed ayaa waxa uu ka soo badiyey intii uu socday  Dalal badan.

Naadiga jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Qadar  oo waliba ciyaaro xiiso badan soo bandhigay oo waliba ay halkaa ka soo Qayb galeen Taagero badan oo ka mida bulshada ku dhaqan wadanka Qatar  iyaga oo Jaliyada mudo aan ka muqnaan jirin Tartamada ayaa ciyaartani ku tusaysaa in kooxdu ay noqday naadi loo bogo.

dsc01028.JPG

Waxa  cawa xaflad baladhan oo ay ka soo Qaybgalayaan Fananinta wadanka Qatar oo uu horeyo fananka dada yar Fanaan Maxamed Xuseen Dalmar Fanaan Guleed Rashid   . casho sharaftan oo   loogu  sameyey safarda soomaliya taas oo uu soo Qaban Qabiyey Safiirka soomaliya u fadhiya Qatar  Ismaaciil Qaasim Naaji iyo xubnaha Isbooritiga Jaaliyada, iyadoo kooxdu ay  Magac u Soo hooyeen bahwaynta Soboortiga Soomaliya.
 

Naasir Maxamed Cali
Naasir7171@hotmail.com