Arabsiyo-(Lug)-Saddex nin ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen kadib markii uu shalay ku dumay ceel-biyood sagaal joog ah oo ay ka qodayeen beer ku taal degmada Arabsiyo oo ka tirsan Gobolka Gabiley.

Ceelkan oo la sheegay in qaybtiisa sare ahayd ciid niis ah, ayaa ku dumay raggii qodayay oo saddexda dhintay ku jireen gudaha ceelka, halka afarta kalee dhaawacmayna ceelka dushiisa ka shaqaynayeen.

Saddexda marxuum ee geeriyooday oo magacyadooda la kala odhan jiray Cabdirisaaq Axmed Maxamed, Maxamed Cabdi Cismaan iyo Axmed Caydiid Madar, ayaa midkood meydkiisa ceelka laga soo saaray 10:00 subaxnimo, halka labada kalena la soo saaray abbaaro 4:00 galabnimo ee shalay, kadib markii ay u gurmadeen shacbiga iyo masuuliyiinta magaalooyinka Arabsiyo iyo Gabilay iyo weliba taliyeyaasha ciidammada booliska.

Sidoo kale saddexda nin ee dhaawacmay oo dhaawacoodu kala duwan yahay ayaa magacyadoodu kala yihiin Cabdirisaaq Cabdi Aw Jaamac, Mustafe Maxamed Cabdi iyo Yaxye Maxamed Cabdi.

Mulkiilaha Ceelka dumay Xaaji Cabdi Jaamac, ayaa shacbiga iyo maamulka dawlada Somaliland ee u soo gurmaday u mahadnaqay.

Dhacadan ayaa ahayd tii ugu horreysay ee sannado badan ka dhacda deegaanka Gobolka Gabilay, waxaanay madaxda gobolkaasi dhambaallo tacsi ah u direen qoysaska saddexda marxuum ee ku geeriyooday shilkan, iyagoo Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkoodana samir iyo iimaan ka siiyo.

Jamhuuriya Online