Borama-(Lug)-Ciidanka amniga Boorama ayaa shalay gelinkii hore kala dareeriyey ,qaarna garaacay shaqaale ku hawlanaa dhismaha deyrka maxkamadda G/Awdal ee magaalada Boorama kaddib markii sida la sheegay maamulka dawladda Hoose uu fasaxay dhulkaasi in la dhisto.
Goobtan oo ku dhaw saldhigga Booliska Boorama ayaa waxa kusoo baxay ciidan uu horkacayey taliyexigeenka qaybta Booliska G/awdal. Cismaan Haari, kaddibna uu amar ku bixiyey inay shaqaalahaasi kala dareeraan dhismahana joojiyaan balse qaar ka mid ah shaqaalihii halkaa joogay oo ka dhego adaygay joojinta hawshaasi ayaa kaddib ciidamadu garaaceen, sidaasina lagu kala dareeriyey.
Maaha markii ugu horreysay ee dhisme laga fuliyo goobaha muhiimka ah ee dhulka laamaha dawladda balse magaalada Boorama ayaa beryahanna waxa boob lagu hayey hantida dawladda laga dhaxlay qaarna la xaraashay ,waxana ilaa imka la dhistay tobannan xafiis oo ka mid ahaa xafiisyadii adeegyada guud iyo xafiisyadii wasaaradaha ee laga fulin lahaa adeegyada waxana laga yabaa in dhismaha haatan laga dareeriyey shaqaalaha ,dib loo bilaabo halkaasina ciidanka iyo hawlgalokoodaasi noqdo mid lagu wiirsado marka la dhammaystiro dhismahaasi .
Sidoo kale ayaa waxa iyadna jirta in dhisme lagu jaray jidka keliya ee laga tegi jiray isbitaalka Fistuula ee Boorama iyadoo aanay maanta jirin jid loo maro isbitaalkaasi loogula gurmado dadka gurmadka caafimaad u baahan .Imana jirto cid haatan ku hawlan sidii dhismahaasi looga horqaadi laha jidkaasi.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Ciidanka Amniga Boorama Oo Kala Dareeriyey Qaarna Garaacay Shaqaale Dhisme Ka Waday Deyrka Maxkamadda G/Awdal Ee Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback