GEB- (Lughaya.com) Hanti lacageed oo taageerayaasha qurbaha ee horumarka Adal ay gaadhsiiyeen dhismaha ka socda magaalada GEB ee galbeed dalka Somaliland. Dhismaha dugsi loogu talo galay inay wax ku bartaan ardayda xeebaha Somaliland ayaa mudo sanad ku dhow ka socda magaalada GEB oo ku beegan badhtamaha gobolka Awdal.
Magaalada Geb oo aan sidaa uga fogayn degmada Saylac ayaa dhsimaha ka socdaa galay wareegii sadexaad ee lagu dhamaystirayo dugsigaas. Sanadguurada GEB oo ku beegan 8 August 2009 - ayaa wararku sheegayaan in shacabka qurbaha ee ka qayb galaya xafladu bilaabeen socod ay ku booqanayaan GEB.
Waxay wararku sheegayaan in walaalaha dalka Djibouti ay gaadhsiyeen maamulayaasha dhismaha dugsiga GEB lacag dhan 13, 150 U.S. Dollars halka qurbojooga Somaliland ee degan magaalada Minneapolis, MN ee dalka Maraykanku ka gudbiyeen lacag dhan $ 12,280 U.S. Dollars;


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Hanti Lacageed oo Gaadhay Dhismaha Dugsiga “Geb Boarding School” "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback