untitled12.JPGBorama-(Lug)-Xubno isugu jira salaadiin iyo madax dhaqameedyo kasoo jeeda degaanka Sh.Cusmaan ee magaalada Boorama ayaa ka dayriyey xaaladda nololeed iyo tan caafimaad ee haysta dadkii kazoo barakacy dagaalada Muqdisho ee u dhashay G/Awdal

iyo kuwa abaaro xidhiidh ah oo gobolka ka dhacay kasoo barakiciyeen degaanadii ay ku noolaayeen ee isla golka isla markaana dadkaasi ku tilmaamay kuwa aan ilaa imika cid gargaar u fidisay wakhti dadweynaha kale ee ku nool degaanada kale ee Soomaaliland ay xukuumadda iyo Hay’adaha samafalka ka heleyaan taakuleyn dhinaca nolosha iyo caafimaadka ah .

untitled12.JPG
 
Salaadiintan iyo odayaashan oo shalay saxaafadda usoo badhigay arrintaasi ayaa waxa ugu horreeyey Suldaan Xasan Xaddi Axmed (Baade) kana mid ah salaadiinta G/Awdal oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi ” waxa qaybtan magaalada Boorama ka tirsan ee loo yaqaan Sh.Cusmaan deggen ku dhawaad afarkun iyo saddexboqol oo qoys oo isugu jira kuwa kasoo barakacay dagaalada Soomaaliya muddo dheer iyo muddo dhawna deggan halkan , dhulkana yimid iyagoo aan waxba haysan ilaa maantana ma jirto cid ka tirsan dawladda iyo hay’adaha samafalka ah oo maalin keliya gargaar u fidiyey .Kuwa nasiibka lihi waa kuwa qaraabadii ay halkan ku lahaayeen dulsaarka iyo culayska ku ah ,balse shaqo la’aanta jirta iyo duruufaha kale ee dhaqaale darrada ah ay kuwii marti gelkinayeyba isla fadhiisteen . Waxa kale oo jira dad abaaro ka dhacayey gobolkan sannado badan iyo sannadkanba maalin kasta kasoo barakacayey dhulkii ay deggenaayeen ee ka tirsanaa gobolka markii xoolijhii ka dhammaadeen beerihiina u bixi waayeen roob la’aan, kuwaasina ilaahay mooye ma helin cid gargaar fidisa oo ka tirsan xukuumadda, sidaa darteed waxan dawladda Soomaaliland, madaxweynaha iyo hay’adaha sanmafalka caalamiga ka codsanaynaa inay dadkan wax uun lasoo gaadhaan ,kana taageeraan dhibaatooyinka nololeed ee ku haysta magaaladan “.

untitled23.JPG

Guddoomiyaha degaanka Sh.Cusmaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “dadka ku nool xaafaddan sh.Cusmaan waa dad sabool ah, qaxooti kusoo laabmay oo farabadan ,dad kalena waxa soo barakiciyey abaaro ,`geedihii iyo jidadkii xaafaddan iyagaa baabiiyey ,waanan odhan kariweynay naga tega sidaa awgeed waan isla fadhiisannay biyo lama hayo raashin lama hayo waxana kasii daran musqulo la’aanta iyo caafimaad darada dadkan ka haysta suuli la’aanta iyo godadka afka bannan ee dadku isticmaalayaan sidaa darteed waxaan dawladda iyo hay’adaha caalamiga ahba ka codsanaynaa inay taageero lasoo gaadhaan , ha ahaato dawooyin, bacaha, lagana caawiyo suuliyada’.

untitled41.JPG
 
Nabadoon Muumin Bulxan Waaberi kana mid ah odayaasha xaafadda Sh Cismaan  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “guddoomiyuhu wuu dhameeyey hadalka waxanse ku kaabayaa in xaafaddu tahay xaafad danyar ah oo abaaro baro kiciyeen iyo dad qaxooti ah .dadku marooyinkii ka dhammadaybay guryo ka dhigtaan musqulo ma leh waxa magaalada dhawaanta maray ayax baabiiyey dhulbeereedkii, sidaa darted dawladda iyo hay’adaha waddaniga iyo caalamiga ahba waxan ugu baaqaynaa inay arrimahaasi naga caawiyaan ‘
 
Ugaaso aw xuseen Rayaale oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa tidhi ‘waxan ka mid ah dadkii deggenaa dhulkan waxan haystaa carruur agoon ah oo afar ah , mana jiraan cid aan qaraabadayda ahayn oo naga caawisa xagga nolosha , waxa ka mid ahayd dadkii ku barakacay dagaaladii dalkan ka dhacay, mana haysanno wixii lagu noolaanayey ee cunto iyo dawo ahaaba”
 
Xaali C/laahi Cali kana mid ah haweenka deggen xaafaddaasi oo ka hadlaysa duruufaheeda nololeed ayaa tidhi ‘waxan nahay dadkii dhulkan soo degay markii dawladdii jabtay ,wax aan haysannaama jirto , ma haysanno musqulo ,kuwii aan qodanayna daboolbaan u weynay oo itaalbaan jirin sidaa darteed waxaan ilaahay, dawladda iyo hay’adaha samafalkaba ka codsanaynaa inaynaga taageeraan arrimahaasi ”

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama