tacsi31.jpgBorama (Lug) -dhammaan bahda Lughaya News meel kasta oo ay joogaanba waxay dhanbaal tacsiyeed tiiraanyadiisa xanbaarsan u dirayaan dhammaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka tegey alle ha u naxariistee Prof. Faarax Cabdilaahi fariid ( Faaarax Shuun)
 oo saacado ka hor (saaka todobadii arooornimo 10/06/2009) ku geeriyoodey magaalada Borama ee  xarunta G.Awdal, waxayna ilaahey uga baryaan in uu marxuumka ka waraabiyo jannadiisa Firdowsa dhammaan ummadda muslimka ah, Soomaalida iyo qoyskii uu ka tegeyna sabir iyo iimaan ka siiyo.

Sida la ogyahay Prof.Farax C/laahi Fariid (Shuun) waxa uu ka mid ahaa rukunnada aqooneed ee aadka looga yaqaan deegaannada Somalida, waxa uuna wax ka soo dhigey jaamacado badan oo ajnabi ah, sida jaamacadaha dalalka Libya, Sudan iyoBritain, wuxuuna si aan caadi ahayn ugu takhasusey luqadaha Englishka iyo Carabiga oo uu suugaan ahaan iyo naxwe ahaanba ku fogaadey.

Prof Farax Shuun waxa uu afartameeyadii qarnigii 20 aad ku dhashey magaalada Saylac, iyada ayuuna ku soo qaatey waxbarashadiisii hoose, tii dhexe iyo middii sarena waxa uu ku qaatey Borama, waxbarashadii jaamacadeedna waxa uu ku qaatey magalaada Muqdisho, waxbarashada heerka jaamacadeed ka sarreysana waxa uu ka qaatey dalka England, wuxuuna ka mid ahaa asaaseyaashii jaamacadda Camuud ee Borama.

Prof. faarax Shuun alle ha u naxariistee oo ku caan-baxay dabac wanaagsan, mutaawadacnimo iyo bulshaawinnimo ayaa dhowr iyo tobonkii sannadood ee u danbeeyey deganaa magaalada Borama wuxuuna ku noolaan jirey nolol aad u fudud, wuxuuna ahaan jirey nin dad jecel islamarkaana ay dadku u siman yihiin.

Prof. Faarax Cabdillaahi Fariid waxa kale oo uu aqoon ballaadhan u lahaa diinta Islaamka, wuxuuna ahaa nin waajibaadka ilaahey saarey xafida, wuxuuna ifka kaga tegey 12 carruur ah oo wiilal iyo gabdhoba isugu jira oo deggan magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska,,,,, alle ha u naxariisto Prof, Faarax- Shuun dhammaan qoyskiisii, ehelladiisii iyo ardeydiisii uu wax soo barayna sabirka ha waafajiyo,, aamiin.

Lughaya News

___________________________________________

Tacsi : Marxuum Faarax Cabdillahi Fariid Oo Ku Geeriyooday Magaalada Borama

Alla ha u naxariistee waxaan tacsi u direyaa Reerkiisa,caruurtiisa, eheladiisii iyio qarrabadaba uu Marxuum Faarax Cabdillahi Fariid ka baxay, Ilaahay ayaan uga baryeynaa inuu janadii ka waraabiyo iyagana samir iyo iimaan ka siiyo waa reer reer Faarax Cabdillahi Fariid oo dhame:.
 
1. Ali Farah Abdillah Fariid.
2. Abdi farah Abdillahi Fariid.
3. Saida Farah abdillahi Fariid.
4, Saleban Farah Abdillahi Fariid.
5. Mustafe Farah abdillahi Fariid.
6. Mohamoud Farah Abdillahi Fariid.
7. Naima Farah abdillahi Fariid.
8. Safia Farah abdillahi fariid.
9 Abubakar Farah abdillahi Fariid.
10. Farduusa farah abdillahi fariid
11. nabiha Farah abdillahi Fariid.
12, Omar farah Abdillahi.
 
Samir Iyo iman ilahay ha inaga wada siiyo dhamaanteen

Suleiman Muuse Cilmi
elmi_lion@hotmail.com
Norway

____________________________________________

Ardayda Somaliland Ee Wax Ka Barata Dalka Uganda Oo Tacsi U Diraya Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Prof. Faarax-Shuun

Inaa lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. waa magangalkii Nabi Muxamad(NINKH) inoo sheegay inaan nidhaa xiliga geeriyi timaad. Waana xaq inaan saaka idhaa!

Anigoo ah Abdisabur Abubakar Abdilahi joogana dalka Uganda, kuna hadlaya dhamaan ardayda Somaliland ee wax ka barata dalka Uganda waxaan tacsi u dirayaa qooysgii iyo qaraabadii uu ka baxay Allaah ha u naxariistee Prof. Faarax C/lahi Fariid oo dad badan oo soomaaliyeed oo aan anigu ku jiro aflixiyey una faa iideeyey in badan, waqtigiisii qaaliga ahaana ku idlaystay inuu dadka jahliga kala dagaalamo. Taariikhdiisa ka sheekayn maayo oo dadkii ay isu faca ahaayeen ayaan u dhaafayaaye waxaan mar labaad u dirayaa dhamaan eheladiisii iyo ardaydiisii meelkasta oo ay joogaanba tacsi waxaanan leeyehay samir iyo iimaan ilaahay ha innaga wada siiyo isgana naxariistiisa ilaahay ka waraabiyo qabrigana ha u nuuro.

Amiin……. Amiin……….. Amiin

Abdisabur Abdilahi
nuuryey@gmail.com

____________________________________________

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

Anigoo ku hadlaya magaca  Reer Mohamed Bullo Ibraim meelkasta oo ay jooganba  Waxaan tacsi tiiranyo leh u diraynaa qoska iyo qarabda iyo dhamaan bulsho waynta somaliland ee uu ka baxay allaha u naxariiste (Prof. Farax Abdilahi Fariid (Farax shuun) oo ku geeriyoday magalada Borama ee gobalka Awdal, illahayna samir iyo iiman haynaga  siiyo Marxuunkana  allaha ka warabiyo janatul fardowsa .

AAAMIN …. AAAMIN …. AAAMIN

Nour Ahmed
bullo77@hotmail.com

—————————-

jaaliyadda reer Adal ee magaalada Riyaad oo tacsi u diraysa qoyskii uu ka baxay Prof. Faarax-Shuun

annaga oo kala ah shakhsiyaadka ay magacdoodu hoos ku qorantahay kuna sugan magaalada Riyaad ee xarunta dalka Sucuudiga ayaa waxaannu dhambaa- tacsiyeed u diraynaa ehelladii iyo qaraabadii uu ka tegey Prof faarax Cabdillaahi Fariid oo maanta ku geeriyoodey magaalada Borama, waxaaanan ilaahey uga rajeynaynaa marxuumka inuu naxariistiisa ka waraabiyo intii uu ka tegeyna sabir iyo iimaan ka siiyo,,, aamiin , aamiin.

waxaa tacsida diraya:

1. Xasan Nuur Kooshin
2. Daahir Yusuf Indho-Nuur
3. Xuseen Jaaamac Suldaan(Xuseen Xabashi)
4. Cali Yusuf (Dila) 
5- idriis Xuseen Diiriye (500 leh)
6. Maxmuud Maxamad Huddoon
7. Daaahir Xasan Cige (Daaahir Sheekhaal)
8. Yusuf Cismaan Xirsi (Qowdhan)
9. Maxamad Siciid Guuleed (Dheeldheel)
10. Siciid Axmad Dhidar
11. Cabdillaahi Cige (Dhego -Fiiq)
12. Baddel Ismaaciil Caaamir
13. Siciid Faatax (Siciid Boon)
14. Muuse Beer u jiif
15. Daaawuud Caaateeye Muumin
16. Suleiman Xasan Wacays
17. Maxamad Cali Jaaamac

Suleimam Wacays
suleimanwaisse@hotmail.com
Riyaad- Saudi Arabia