tacsi32.jpgMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta dhambaal tacsi ah u diray Qoyskii, Qaraabadii iyo dhamaan cidii uu ka baxay Marxuum Prof. Faarax Shuun oo maanta ku geeriyooday Magaalada Boorame.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Aasaasayaashii Jaamacada Camuud, waxana Madaxweynuhu ilaahay uga baryay inuu janadii fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland
_________________________________________

Inaa lilaahi wa inaa Ilaahi Raajicuu! Kuli Nafsi Daai qatul Mowt. Noolaba waa dhinte.
 
Dhamaan ardayda Jaamcada Camuud gaar ahaan Kooxdii Koowaad ee Jaamacadaas waxa tacsi uga dirayaan iyga oo ka tiiraanyeysan geerida naxdinta leh ee ku timid Prof. Faarax Cabdilaahi Fariid(Shuun) oo maanta ku geeriyeyda laguna aasay magaalada Borama ee Gobalka Awdal. Waxay dhamaan Umada Somaliyeed, Qoyskii, Qaraabadii, iyo Saaxiibadii  uu ka baxay uga brayayaan in samir iyo iimaan Alla ka siiyo.
 
Dhamaan Ardaydani iyaga oo xasuuusan kaalintii Aabo, Macalinimo, iyo Barbaarineed oo uu siiyey xiligii uu u bilaabay Jaamacadda waxay Ilaahy uga baryayaan in uun ka Waraabiyo Janadii fordaysa, xaraf kasta oo uu u dhigayna uu Ilaahay uga dhiga mid abaalkiisa Alla ka waraabiyo Janadii fardowsa. Amiin
 
Waxa ka mid ah ardaydaysi:
 
Cabdikarim Sh. Cabdiraxmaan (Aw- Gamboole)
Pro Ridwaan Maxamed Cismaan
Barkhad Xuseen Guhaad
Xuseen Cabdirahaman Cige
Barkhad  Maxamed Diiriye (DC Doon)
Xassan Axmed Caynaan
Ifraax Maxamed Galbeedi
Maxamuud Cabdi Sh. Axmed
Cali Cabdi Cali
Axmed Maxamed Cabdilahi(Ciraaqi)
Mustafe Cabdi Xasan
 
Amiin …. Amin

_______________________________________________

Jaaliyada Reer Awdal Ee Wadanka Pakistan Oo Tacsi U Diray Qoyskii Iyo Eheladii Marxuum Prof.Faarax Shuun

Innaa lilaahi wa,inaa ilayhi raajicuun, annaka oo ah jaaliyadda reer awdal ee dalka Pakistan waxaan tacsi tiiraanyo leh u daraynaa dhamaan qoysaska, qaraabada iyo bulsha waynta somaliyeed ee uu ka baxay marxuum Prof. Faarax Cllahi Farid oo ku geeriyooday saaka magaalada Borama, profiserku wuxuu ahaa aqoonyahan wayn oo u heelanaa barida iyo barbaarinta umada soomaaliyeed, wuxuuna qacan ka gaystay horumarinta tacliinta iyo aflixinta aqoonyahano badan. waxaan leenahay ehelada uu ka geeriyooday inna lilaahi maa akhada walahuu maa acdaa wakula shay,in cindahuu bimiqdaar, isbiruu waxtasibuu. isagana Allaha u naxariisto janadii Farduusana haka waraabiyo.
 
aamiin,,aamiin
 
Saeed Abdi Hassan
hiraab03@hotmail.co

______________________________________________

Dhalinyarada Reer Awdal Ee Wadanka Malaysia Oo Tacsi U Diray Qoyskii Marxuum Prof.Faarax Shuun

Anigoo ah SACIID MAXAMED NUUR (CANSHARAAR) kuna hadlaya magaca dhalinyarada reer awdal ee ku nool dalka MALAYSIA (KUALA LUMPUR) waxaan halkan tacsi uga dirayaa geerida naxdinta leh ee ku timid macalinkaygii wax isoo baray ee marxuum PROF.FAARAX SHUUN  waxaan ilaahay uga baryayaa inaan naxariistii jano ka waraabiyo ehelkiisii iyo qaraabadii iyo ardaydii uu ka tagayna samir iyo aamiin ka siiyo
aamiin aamiin aamiin 

_____________________________________________

Tacsi : Marxuum Faarax Cabdillahi Fariid Oo Ku Geeriyooday Magaalada Borama

Alla ha u naxariistee waxaan tacsi u direyaa Reerkiisa,caruurtiisa, eheladiisii iyio qarrabadaba  uu Marxuum Faarax Cabdillahi Fariid ka baxay, Ilaahay ayaan uga baryeynaa inuu janadii ka  waraabiyo iyagana samir iyo iimaan ka siiyo waa  reer Faarax Cabdillahi Fariid oo dhan :
 
Hooyo seynab yusuf mahamed ( ilma nirig hooyadood )
Mahamed amiin yasin ismail ( mahamed nirig ) iyo xaaskiisa
C/khader yasin ismail  ( khader nirig  )
 
Ahmed-nur yasin ismail ( nuur nirig )
Khadra hodan yasin ismail ( hodan nirig ) iyo seygeeda
Umalkhayr yasin ismail   ( umalkhayr nirig )
C/rashiid yasin ismail   ( rasiid nirig )
 Mowliid yasin ismail   (mowliid nirig )
 Idiris ahmed jamac   ( idiris ahmed )

 
Dhamaan reer yasiin ismail waxay tacsi u dirayaan ehelkii iyo qarabadii uu ka baxay  alaha u naxariistee marxuum kii faarax shuun waxaan leenahay samir iyo imaan ilahay ha
inagawada siiyo dhamaanteenba  amiiiiiiiiiiiiiir amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin