qalin1.jpg1-Geeraarbaan xarfihiisiyo
2-xubnihiisa la dhiibshiyo
3-Xardhiddiisiyo luuqdiyo
4-Xeerarkiisa aqaannaye
5-Maalintaan xakameeyo een
..

6-Koorihii u xambaarsho
7-Gorgor xawli u duuliyo
8-Xiinka waan ka badshaayoo
9-Xasuusbaan ka tagaayeeeeeeey
10.Xalay waan ladi waayayoo
11-Xabadkaa dagi waayayoo
12-Xubnahayga dhammaanba
13-Xaaladbaa ku cusbaydoo
14-Xajiin layla wadaagaan
15-Xoqay oo igu oogsatoo
16-Maduxu ila xanuunayeeey
17-Xayawaankiyo xoolahaan
18-Xeerar ay ku dhaqmaan iyo
19-Xuduud toosan lahaynoo
20-Midba xoogga la siiyay uun
21-Ku xisaabtamayaaye
22-Yaa ka sii xag jiraaaaaaay?
23-Gadh cad aannu xurmayno
24-Oo xeer-beegtiya baa
25-Xaajadii la guclaysayoo
26-Xaglisoo dhan u baydhayoo
27-Xukun daalin la raadsatoo
28-Xas cadaada ku riixdaye
29-Xaggee looga baxshaayoo
30-Sidee loo xalliyaayeeeeeey?
31-Haddii ay xeradaadiyo
32-Hugii aad xidhanaysay
33-Sida xuun wax qaniiniyo
34-Qodaxdaa wax xagaysa
35-Ku xuluulanayaan
36-Xaggee looga baxaayeeey?
37-Raggii beenta xashaayayeen
38-Hal xalaala aqoonnin
39-Xafashkay dhurayeen
40-Waanigaa la xunbeeyayee
41-Xabaashii la galaaya eh
42-Hadmay xaal iga siineeeey?
43-Xilligaan caqliyaystiyo

44-Intaan xaadir ahaaba
45-Xaalku waa cakirnaaye
46-Xumaan aanan lahayn
47-Sawnigaa ku xasuuqmayeey
48-haddaan xuunsho ahaa
49-Xeeladday ha yaraato eh
50-xariirbaan huwanaayoo
51-xarragaan ku sugnaaye
52-Tuke ii xawileeneey
53-Xareeddii lidiqawday
54-Harraad baan xarbiyaayoo
55-Waan kor xaadsan lahaaye
56-Dhulkay sii xuliyeeneey
57-Gudcurkii igu xeermayee
58-Dayaxii ka xijaabtayee
59-Qorraxdii ka xerootay
60-Xiddigaan dayi laaaye
61-Indhahay I xidheeneeey
62-Berri layga xurmeeye
63-Markaan xeeb u hayaamuu
64-Xuudku qayb iga goostayoo
65-Ma dhammee xubnahayga
66-Xayn uunbaad aragtaayeeey
67-Haddii aan xaqa dhawrno
68-Xamarrow faraskiisii
69-Isagoo xakamaysanuu
70-Xoolahaa cadawgiisiyo
71-Xaqiisii ku xabbaadho
72-Xabbad yaa ugu heesayeey
73-Hal abuurka xushmaysanow
74-Ilaahay ka xishooyoo
75-Xaqa daaha ka qaadeeeeey
76-Xarafkaygan dahsoonna
77-Anaan kuu xarakayninoo
78-Xor ayaanan ahayne
79-Kii xaquuqan karoow
80-Adaan kuu xilanaayeeeeey

Sh.Khadar Xassan Axmad (khadar -Gabiley)
Al-Madiina al-Munawarah
khadar444@hotmali.com

 

Fikradda Qoraagu Kama Turjumeyso Aragtida Lughaya News