Aragti-(Lug)-Magaalada Boon oo ah degmo ka mid ah degmooyinka waddanka S/land waxay leedahay taariikh iyo is taageersi dhaxalsiiyay in ay noqoto hoygii lagu aasaasay nidaamkii ha is caawiso ee la magac baxay ISKAA WAX U QABSO.
Waa magaalo gacanteeda ku dhisatay halbawlayaasha danta guud oo dhan, kana mid yihiin Iskuulka, Dhakhtarka, Haraha biyaha, Ceelka biyaha, Iskuul Sare, Garoonka kubadda cagta oo ah garoonka ugu baaxadda weyn gobolka marka la eego inta loo calaamadeeyay ee la siiyay si jiilka soo socdaayi ugu kala baaho, iyo hawlo kale oo bulshada dan u ah. Waa magaalo caan ku ah hilibka Solayga la yidhaahdo oo aanan xirfadda iyo sida loo sameeyi ay gaar u tahay Boon.
Iyada oo ay taariikhdaa leedahay Boon, waxay haysatay wixii ka horreeyay 1990kii ictiraaf ah in la soo hadalqaado marka laga hadlayo inay bulsho wax qabsan karto, in cashuur laga qaadi jiray looguna badali jiray in laga bixiyo adeegyada bulshada oo ay ugu horeeyaan macallimiinta (Toban macallin iyo maamule) iskuulka hoose dhexe.
Haddaba aniga oo rumaysan in waxbarashadu tahay udub dhexaadka mustaqbalka dalka oo dhan, ayna muhiim tahay in imika la diyaariyo jiilka hogaanka u qaban doona ummadda, kana saari doona mashaakilaad badan oo imika jira, ayaa waxan ku ducaystay dhowr arrimood:
·In sida mishaharka Muqdisho ka imanayay u soo gaadhayay macallimiinta Boon, in Ilaahay mishaharka Hargeysaad, amma Boorama u gaadhsiiyo.
·In aan Somaliland ka maqlo ISKAA WAX U QABSO oo Boon lagu aasaasay eenan imika aanan meelna uga maqal, sida aan marmar uga maqlo Koonfurta Soomaaliya
·Inuu Ilaahay cashuurta la iga qaadayo, adeegayga ugu horreeyaan macallimiintu, si uun uga muuqato
·Inuu Ilaahay dawlad la’aanna naga hayo, caddaalad darrona naga hayo
·Inuu Ilaahay Boon citiraafkeeda ka siiyo waddanka ay ka midka tahay oo looga mid dhigo degmooyinka waddanka intiisa kale.
·In magaalooyinka Boon ka sii adeeg yarna Ilaahay faraj u bixiyo.
Waxana igu kallifay ducada intaas le’eg inaan arkay Degmada Boon oo mishahar la siiyo laba macallin oo qudha, iyadooy jiraan lix iskuul oo hoose iyo Secondary oo intaba ay bixiyaan dadka degaanku amma dadkii u dhashay Degmada. Waxanay ku habboonaan lahayd in cashuurta laga qaadayo dadku ay si uun u dhadhamiyaan dhanka adeegyadooda, taasoo ah ujeeddada cashuurta loo qaado. Markastoon ku dhiirrigelinayno dadka cashuur bixintana waxan ugu macnaynaa in iyaga adeeg loogu fidinayo, dhanka nabadgelyada, caddaaladda, waxbarashada IWM.
Markaa waxan ka codsanayaa cidda ay khusayso oo ah dadka laga soo doorto degmada Boon, Wasaaradda waxbarashada, Odayaasha Boon, Dumarka Boon, inay hoos u eegaan arrinta waxbarashada oo ah mustaqbalka waddanka, arrinta macallimiinta degmadana mishaharkooda meel lagu tiiriyo si Boon uga qayb gasho horumarka dalka.
Said Abib (Boon)
saidabib1@yahoo.fr
Fikradda Qoraagu Kama Turjumeyso Aragtida Lughaya News



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maqaal: S/land Iyo Boon Waxay Xaq U Leeyihiin In La Citiraafo "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback