Akhristayaashayda sharafta badan aad ayaan idiin salaamayaa, sidoo kale waxa aan salaam aan la koobi Karin u soo dirayaa websiteyada gobolka oo qayb wayn ka qaata horu marinta gobolka, salaam ka dib waxa aan jeclaan lahaa inaan soo ban dhigo dood ku saabsan ‘cabudhista ay wariyayasha BBCda iyo VOAdu ay ku hayaan gobolkani Awdal’.

Gobolkani Awdal waxa uu ka mid yahay gobolada faro ku tiriska ah ee ayna ka hawl galin wariyayaasha BBCda iyo kuwa VOAdu taasi macnaheedu maaha in uu gobolkani ku oolin meel istaraatigiyad ah isla markaana aanulahayn horumar ay leeyihin gobolada kale ee dalku, ee waxa weeyi gobolka kaliya ee Somaliland xad la leh labo wadan sida dhanka woqooyi waxa uu xad la leeyahay dalka jabuuti dhanka galbeedna waxa uu xad la leeyahay dalka Ethiopia gobolkani waxa uu leeyahay horumar dhaqaale iyo mid waxbarasho, oo la odhani karo waa gobolka ugu fiican xaga wax barashada Somaliland.

Intaasi marka aan soo dhaafo dadka reer Awdal ee jooga qurbaha iyo kuwa jooga gobolkuba waxa ay aad u dhaliilsan yihiin doorka ay ka cayaaraan idaacadahan caalamiga ah ee BBCda iyo VOAdu war ka tabinta gobolka taasi oo ah mid ay xaq u leeyihiin in ay kala socdaan hadba xaalka iyo jawiga uu ku sugan yahay gobolkani Awdal.

Akhriste markasta waxa laga yaabaa inaad labadan idaacadood aad ka dhagaysatid barnaamijyo ay soo bandhigaan wariyayaasha BBCda iyo VOAdu ee Hargaysa kuwaasi oo ay ugu tala galeen inay ka waraystaan amaba ay ka shaac bixiyaan dad iyo Gobolo khaas ah, sida barnaamijyada ‘ ganacsiga, dhaliinyarada, doodaha, rayiga dadwaynaha, waxbarashada, horumarka iwm’, taasi oo aan marnaba jaanis laga siin dhaliinyarada waxbarata sida ardayda jaamacada camuud ama Jaamacada Eelo American Univeristy in laga qayb galiyo doodaha jogtada ah, in ganacsatada gobolku ay ku cabiri karaan dareenkooda nololeed hadii ay ahaan lahayd mid khasaare iyo mid faa’iido labadaba, in bulsho waynta gobolku ay xaq u leeyihiin inay cabiraan dareenkooda aragtiyeed ee ku dhisan mid aqooneed iyo mid waayo’aragnimo loona baahan yahay in si xor ah oo aan midabkalasooc ku jirin loo gudbiyo fikirka qofka, in si isku mid ah loo sheego heerka ay kala taagan yihiin waxbarashada goboladu sida heerka waxbarashada sare ee jaamacadaha, inta dugsi sare ee ka furan , inta dugdi H/DHexe ee ka furan  iyo guud ahaan horumarka gobolada..

Hadaba su’aasha madaxayga ku taagani waxa weeyi gobolkasta oo soomaaliya ka mid ah waxa BBCda iyo VOAda u jooga wariye, wariyana kama soo waramo gobol aanu isir ahaan ka soo jeedin waayo?
 
Sababtoo ah dadka soomaalidu waxa ay gobolada  u kala dagan yihiin reer-reer amaba qabiilaysi,waxa soo kala dhex maray dagaalo sokeeye oo laga dhaxlay godobo iyo aanooyin si hadaba wariyuhu u badbaado warar badan oo wax ku ool ahna u soo helo waa in laga shaqaalaysiiyaa gobolkuu u dhashay taasi ayay xal u arkeen madaxda idaacaduhu waana taasi ta maanta lagaga dhaqmo dhamaan gobolada soomaaliyeed.

Sidaasi si lamid ah waxa jira tartamo u dhexeeya gobolada iyo magaalooyinka soomaaliyeed oo gobolba doonayo inuu gobolka kale ka wanaagsanaado isaga oo isticmaalaya saxaafada iyo wariyayaasha caalamiga ah ee ka hawlgalaya gobolkiisa taasina waxa ay sababtay in gobolka Awdal uu noqdo mid aan si wayn looga baran ka qaybqaadashada barnaamijyada maadaama aanu jirin wariye u dhashay gobolka oo u jooga idaacadahaasi.

Hadaba iyadoo ay taasi jirto maxaan u  ogolaanay in gobolkeena loo soo wakiisho wariyayaal aan dhexdhexaad ahayn kana soo horjeeda inay shaaciyaan wanaaga iyo horumara gobolka.

su’aashan waxa  aan u dhaafayaa inay ka soo jawaabaan dadka reer Awdal.
 
Gabagabadii waxa aan u soo jeedini lahaa maamulka gobolka, odayaasha, ganacsatada, aqoonyaanada, bulshada rayidka ah in loo hawl galo sidii gobolka loogu samayn lahaa labo wariye oo ka socda BBCda iyo VOAda oo joogta ah iyaga oo kala kaashanaya wasaarada warfaafinta iyo madaxda labada idaacadood.

Hadii ay taasi suurtowdo waxa uu gobolku ka baxayaa gumaysigii iyo cabudhintii xaga saxaafada ee saarnayd mudada dheer waxana meel kasta laga dareemi doonaa kaalinta aan la loodini Karin ee uu gobolka Awdal kaga jiro gobolada soomaaliyeed.
 
  
Guled Omer Me’ad
guuleedgcm@hotmail.com

Fikrada Qoraagu Kama Turjumayso Aragtida Lughayanews

—————————

haaa walaal Guuleed marka hore mahadsanid marka xiga arrintan aad sheegtey way jirtaa haseyeeshee dadkeenna Galbeedka Somali Land ama reer , Gabiley, Awdal iyo Selel ayaa ah dad aan warfaafinta daneyn oo aan wali fahmin qiimaheeda, sidaas darteed ayay BBC, VOA, iyo Universal TV ba ay u aasaan deegaankeenna, taasina waxaa u sobob ah inaga oo aan warfaafinta dhaqaale ku bixin, wariyeyaasha oo innagu yar iyo shakhsiyaadka laamahan warfaafineed wakiillada u ah oo aan ahayn dad caafimaad qaba.

dadkeennu waa aqoonyahan macallin , dhakhtar iyo Engineer laakiinse ciddii hebel waa dhakhtar odhan lahayd ama waa macallin ayaynaan hayn.

markaa waxaa loo baahanyahay in warfaafinta awoodda la saaro, la dhiiri geliyo wariyeyaasheenna shacbigooda ka niyad jabay kadib markii la tixgelin waayey dibadna waxay ku gaadhaan waayey.

 

Cali Jamac Gahayr
gahayr25@hotmail.com
London - UK

Fikradda qoraagu kama turjumayso aragtida Lughaya news