Maanta oo ay bisha June tahay 21 sannadka 2009ka waa maalintii ugu dambaysay ee hay’adaha caawiya doorashooyinka Somaliland u qabteen in xukuumadda Rayaale ay kusoo dhammaystirto saamiga maaliyadeed ee ay xukuumaddu ugu talogashay doorashooyinka la filayo inay dalkan ka dhacaan 27ka September ee sannadkan sidoo kale toddoba casho ku dhawaad ayey dhaaftay muddadii uu jelclaa Madaxweyne Rayaale inay komishanka diiwangelintu soo afjaraan soona dhammaystiraan hawshii diiwaangelinta ee Serverku kaydiyey,
Sidoo kale ayaa bil ku dhawaad ay kasoo wareegtay markii ay xisbiyada mucaaradka Somaliland iyo xisbiga dawladda iyo UDUB soo afjareen khilaafkoodii ugu dambeeyey ee dhinaca doorashooyinka kuwaasoo ay dhexdhexaadin ka galeen muwaadiniin reer Somaliland ah oo khilaafkaasi xalkiisa soo jeediyey in shuruudihii lagu xidhay dhammaadaan balse ilaa imika heshiiskaasi waxyar uun la dhaqaajiyey .
Lama tirin karo caqabadaha doorashooyinka Somaliland weli hortaagan iyo sida wakhtigu isku gurayao .Boqol maalmood wax an ka badnayn ayaa ka hadhay wakhtigii xisbiyada, dawladda iyo adduunweynuhba ku ogaa inay qabsoomaan doorashooyinka Somaliland sidaasoo ay tahay weli fari kama qodna sidii ay doorashooyinkaasi ku dhici lahaayeen.
Niyad wanaagga reer Somaliland ee dhinaca dadweynaha iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa rumaysnaa ama rumaystay in heshiiskii ugu dambeeyey ee ku saabsanaa ammuurta doorashooyinku dhammaan doonto inta ka horreysay bisha July, balse waxay maanta cid kastaa ka marag kacaysaa in dhammaasho ay dhammaadeen shuruudihii ku xidhnaa qabsoomidda doorashooyinku ay hawlo kale, caqabado kale iyo khilaaf kale kusii biiray kuwii hore uga jiray siyaasadda dalka badankkoodana loo tirinayo xukuumadda inay fulin weyday .
Waa tan koowaade waxa haatan mar kale isgalay komishankii dadkan iyo dalkan kala saari lahaa waxa foodda markale isla galay xisbiyadii mucaaradka iyo xisbigii dawladda oo aan la ogeyn cid haatan kala saari doonta .Golihii guurtida ayaa sidoo isna haatan warmo hoosta iskala gaadaya, xildhibeenadii baarlamaanka ayaa qaarkood ciil la ledi laayihiin markii waxba laga siin waayey taladii dalkan ee loo doortay, guud ahaan arrimahaasoo dabada ku jiidayana muranmno kala duwan iyo carqalado badan ayaa durba rajadii laga qabay in doorashooyin dalkan ka dhacaan haadaan kasii tuuray .
Dhibaatada ugu weyn ee haatan la isku tuurtuurayo ayaa waxa ugu horreysa laba xubnood oo komishanka doorashooyinka ka tirsan oo siyaasiyiinta dawladda iyo xisbiga UDUB ka dareemeen inay goosteen xadhkihii lagu xidhay markii la magacaabayey, kuwaasoo haatan la doonayo in laga tukhaantukhiyo komishankaasi isla markaana lagu bedelo rag cusub oo ka dabacsan labadaa xubnood .Waxa lagu tiriyaa inay yihiin labada xubnood ee ugu daacadsanaa komishankaasi halkii uu dalkan hagi lahaa isagii u baahday wax kala haga , waxana majaraha lasoo maleegay ee doonayo in la beddelo labadaa nin ay sida la tuhunsan yahay kasoo shaqeeyeem laba xubnood oo komishankaasi ka tirsan oo lagu tuhunsan yahay inay caqabad ku yihiin horumarka guddigaasi isla markaana doonayaan inay dano kale ama deeqaha ka imanaya deeqbixiyayaasha ee loogu talogalay doorashooyinku anay iyaga sidii ay u dhaafiweyday qandaraaskii diiwaangelintu, labadaasi xubnood ee ka tuhunsan yahay oo kala ah Ismaaciil Muuse Nuur ,Guddoomiyihii hore ee guddiga diiwaangelinta iyo Biikolo kana mid ahaa kuxigeenadiisa halka guddoomiyaha haatan ee komishanka doorashooyinkuna Jaamac Sweden dad badani tuhunsan yihiin inuu hoosta kala socdo.
Eriska labadaa xusbnood oo loo sameeyey sababo badan ayaa dhinaca kale waxay sii murgisay xiisadda komishanka dhexdiisa ka oogan ee ku saabsan sidii loogu fulin lahaa shuruudihii lagu xidhay heshiiskii u dambeeyey ee dhexmaray xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumadda kaasoo ahaa in komishankaba aayihiisa ama sii joogitaankiisuba ku xidhan yahay heshiiskaasina oo la fuliyo , balse durba dhinaca xukuumadda gaashaanka ku dhufatay in komishankaasi la kala diro ama lagu soo daro afar xubnood oo xoojin ah .waxana arrinku isku beddelay haatan muran kale dib u dhigi karaya doorashooyinka haddii aan la helin xal kale oo lagaga badbaadi karo khilaafka siyaasadeed .
Haddaba khilaafkan oo dhacaya wakhti madaxweyne Rayaale dalka kaga maqan yahay debedda isla markaana uu dalka sii xukumayo madaxweyne kuxigeenkiisii ayaa waxa nasiibdarro ah in heshiis laga gaadho arrintaasi lagu xidho nin maqan, waxayna ahayd in muranka taagani aanu ku duldhicin madaxweyneha jagada sii haya ee ay ahayd inuu xal uun sii sameeyo haddiise xalkiisa lala sugayo madaxweyne Rayaale waxay arrimahani shaaca ka qaadayaan inaanu Somaliland ka jirin caqli kale iyo xikmad kale oo aan ahayn tan Daahir Rayaale oo kala saari kari la’a dhinacyada siyaasadda dalka.
Si kastaba ha ahaatee doorashooyinka la hadalhayo inay dalkan ka dhacaan 27 septembar ayaan la ogeyn kuwa ay yihiin, maadaama ifafaalaha muuqdaayi ahayn mid fasaxaya in doorashooyinku wakhtigoodii ku dhacaan, lamana garanayo doorashooyin dhacaya 27ka September ee ay u dhan yihiin dhammaan shaqaalihiisii, komishankiisii, buugaagtiisii, xafiisyadiisii gobolada iyo degmooyinkii, wakiiladiisii gobolada iyo degmooyinka, warqadihiisii codeynta muwaadinta, shaabadihiisii, khadkiisii, ciidankiisii amniga iyo ciidankisii kormeerka ee ka imanayey caalamka iyo gudaha dalkaba balse doorashooyinka haatan lagu muransan yahay komishankiisii ayaan la garanayn magaciisa iyo waxa uu komishan ka ahaan doono mustaqbalka haddii aanu waa kale u beryin dhinacyada isku haya siyaasadda dalkka iyo doorashooyinka la hadalhayo.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " DOORASHOOY MAGACAA? Qalinkii Wariye Maxamed Cumar (Hyane) "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback