Borama-(Lug)-Shir hawleed ku sabsan habka wada shaqyanta iyo isku xidhka ururada ama xarumaha waxbarashad dadban ee G/Awdal ayaa maanta ka bilowday Boorama soconna doona labada casho ee soo socota .
Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen maamulayaasha xarumaha Waxbarashada dadban sida dugsiyada gaarka ah, machadyada iyo xarumaha xirfad barashada ee ka furan Boorama, masuulyiinta waxbarashada ee G/Awdal .
Madaxa Kormeerka Wasaarada Waxbarahsda ee G/Awdal Maxamed Daahir Bule oo aqoon isweydaarsigan furay ayaa shegay in nidaaamka waxbarashada Somaliland ku salaysan yahay siyaasad cad oo ku saabsan inay yeeshaan meel keliya iyo ujeeddo keliya sidaa darteedna aqoon isweydaarsigani yahay kii ugu horreeyey ee la iskugu keenayey xarumaha waxbarashada kala duwan ee ku yaal guud ahaanba Gobolka si loo helo meel keliya oo laga hago waxcbarashada dadban .
Kormeere Bulle ayaa sidoo kale sheegay in kala daadsanaanta laamaha waxbarashada dadbani marmarka qaarkood keento dhibaatooyin la xidhiidha dhinaca waxbarashada iyo amniga, maadaama cid kastaa meel aan lgaranayn waxa lagu barto ay iska furtayna la gaadhay wakhtigii la mideyn lahaa si aanay waxbarashada qaarkeed u noqon mid waxyeelo ku ah dadweynaha, wasaaradda waxbarashduna dusha kala socoto .
Kulankan oo uu iskusoo dubbariday ururka waddaniga ah ee loo yaqaan AYODA ayaa sidoo kale waxa ka hadlay madaxa ururkaasi Idiris Faarax Muuse, isagoo masuulka ururka AYODA ka hadlay baahida keentay in wakhtigan la tabo waxbarashada dadban iyo sidii loo mideyn lahaa isagoo Idiris Faarax Muuse sheegay in tababarkan oo ah kii u horreeyey oo noociisa ah ujeedadiisa ugu weyni tahay waxyaalaha lagu baranayo xarumaha gaarka ah yihiin kuwa manaafacaad u leh dadweynaha iyo dhallnyarada iyo in kor loo qaado taageerana la siiyo nidaamka waxbaridda, tababarada macallimiinta iyo waayo aragmnnimada laga dhaxlay laamaha hoos yimaadda wasaaradda waxbarashada Somaliland .
Kulanka ayaa waxa ka qaybgeleya maamulayaasha xarumaha waxbarashada dadban oo isugu jira kuwa farsamo iyo kuwa maaddooyin kala ah ayaa waxay tiradoodu gaadhaysay ilaa 35 xubnood kuwaasoo ay ku jiraan ururada ku hawllan dhinacyada waxbarashada\dawladda iyo tan gaarka ah.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Aqoon isweydaarsi Ku Saabsan Isku Xidhka Iyo Wada Shaqaynta Ururada Waxbarshada Dadban Ee G/Awdal Oo Maanta Boorama Laga Furay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback