Borama-(Lug)-Msusulyiinta sarsare ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa shaaca ka qaaday inay si guul ah ku dhammaadeen imtixaanadii laga qaadayey ardayda Dugsiyada sare iyo kuwa dhexe ee G/Awdal
isla markaana imtixaanada sannadugsiyeedka waxbarashada 2008-2009 uu ahaa kii ugu dhibta yaraa .
Ibraahim Aamin ahna agaasimaha maamulka wasaaradda waxbarashada oo maanta warbaahinta la hadlayey ayaa sidoo kale sheegay in guud ahaanba nidaamkii loogu taalogalay qaadista imtixaanadaasi uu sannnadkani ka wanaagsanaa kuwii hore .
Agaasimaha waxbarashada oo arrimahaasi imtixaanadka ka warramayaan a waxa uu yidhi ”Waxan guud ahaanba haambalyo usoo jeedinayaa cid kastoo ka qaybqaadatay suurtagelisayna inay imtixaanaadkii sannadkani ku dhammaado sidii loogu talogalay kuwaasoo kala ah kormeerayaasha, ilaaliyayaasha , ciidamada amniga, ardaydii u diyaargarawday imtixaanadaasi iyo waalidiintii ubadkooda ku dhiirrigeliyey inay imtixaanadaasi ka qaybgalaan .waxa sannadkan guud ahaanba gobolka imtixxaanada loogu talogalay inay ka qaybqaataan 19 dugsi oo kala ah 4 dugsi oo kuwa sarsare ah iyo 16 dugsi oo ah kuwa dhexe, ardaydooduna dhantahay 1362 arday oo 427 yihiin ardayda dusgiyada sare, halka 935 ahaayeen kuwa dhexe waxan dugsiga sare ee sh.Cali Jawhar isugu geynay saddex dugsi sare oo kala Ubaya, Al Aqsa halka 935 arday ee dugsiyada dhexe aan u kala qaybinnay laba qaybood oo kala 5 goobood oo Boorama ah iyo shan goobood oo debedda ka ah Boorama lguna kala qaadayey magaalooyinka Qulujeed, Baki, Garbodadar, Lughaya iyo Dila, Imtixaanada dugsiyada\sare waxay u kala galeen laba qaybood oo kala ah subjectyada Arts oo ay qaateen 145, halka maadddoyinka Sayniska ahna ay qaateen 228 arday. Waxa imtixaanadaasi fulintooda ka hawlgalay 10 hoggaamiye goobeed laba kuxigeenno u ah 58 macallin oo ilaaliyayaal ahaa, 37 askari oo amniga goobaha sugayey, guddoonka waxbarashada Awdal iyo kormeerayaal ka kala socday xarunta dhexe ee wasaaradda iyo kuwa ajanebi ah .Maanta arrimahaasi waxay ku dhammaadeen guul, waayo 99% way fuleen,.Waxa nasoo martay wakhtiyo imtixaanadan oo kale ay naga qabsadeen qalalaase dhimasho keenay iyo marmar aan Boorama kala baxsanno oo aan Camuud ku qaadnay maanta waan ka baxnay waxaasi oo dhan waxaan mahaddooda iska leh intii daacadda ka ahayd inay mustaqbalka dalka iyo mustaqbalka ubadkooda u tudhaysay ”
Dhinaca kale Guddoomiyaha waxbarashada G/Awdal Daahir Maxamuud Xaddi ayaa raalligelin ka bixiyey fal lagula kacay macallin ka tirsan kormeerayaashii imtixaanadaasi Dugsiyada Sare ee lagu qaadayey dugsiga sare ee. Falkaasi oo sida uu sheegay Guddoomiyaha waxbarashada ku tilmaamay mid fuleynimo ah gacantana ay ula tegeen wax uu ku tilmaamay kooxo saaqidiin ah, kana baqayey imtixaanku macallin la yidhaa Shiil. Guddoomiyaha waxbarashada Awdal oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “waxan aad uga xunnahay kana tacsiyeynaynaa guud ahaanba macallimiintii, korkmeerkii iyo hawlwadeenadii wasaaradda waxbarashadu usoo dirtay ilaalinta iyo meelmarinta qaadista imtixaankii dusgiyada sare iyo dhexe ee Somaliland maanta ka dhammaaday , waxan umaddaasi ka raalligelinaynaa falkii ay koox ka baqaaysay gelista imtixaanadaasi oo qish ku dagaalamaysaay kula kaceen macallin la yidhaa Shiil, kaasoo dhaawac fudud lagusoo gaadhsiiyey shaqadiisii. Kooxadaasi oo toddoba ahayd, markiiba tallaabo wadaajir ah ayaan ka qaadnay, xabsiga Booliska ayaan ku xidhnay tan iyo intii lagu sii deynayey dammaanad waalidiintoodii laga qaaday inaysan mar kale u laaban doonin falalkaasi, Waxan aaminsanahay in meel hawli ka socoto wax kastaa dhici karaan, haddii runta la sheegi waayana wax ka xun la sheegi karo, ragga falkaasi ku kacay kolley may ahayn keligood ee cid ay ku jirtay cadaawad beeleed iyo mid siyaasadeed ayaan filayaa inay dambeeyeen kamana hadhayno, sidaa darteed cid kastoo ka xumaatay falkaasi waan ka raalligelinaynaa tallabadii waajibka nagu ahaydna waan ka qaadaynaa haddii ay soo noqoto ‘.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Masuulyiinta W/Waxbarashada Oo Sheegay Inay Si Nabadgelyo Ah Ku Dhammaadeen Imtixcaanadii Dugsiyada Sare/Dhexe Iyo Guddoonka Waxbarashada G/Awdal Oo Raalligelin Ka Bixiyey Macallimiin Lagu Fara Saaray Shaqadii Ay Imtixaanadaa Ka Hayeen "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback