Boorama-(Lug)-Guddoomiyaha Gobolka Awdal ayaa la sheegeyaa inuu maanta magaalada Aw Barre ee dalka Itoobiya u qaaday ku dhawaad sideetan ka mid ah tahriibayaal u dhashay dalka Itoobiya oo dhawaanta ciidamada qaranka Somaliland kasoo qabqabteen xeebaha galbeed ee dalka kuwaasoo in muddo ahba k xidhnaa xabsiga dhexe ee magaalada Boorama .
Inkastoo aanu badhsaabku shaac ka qaadin sababta uu u tegey magaalada Aw Barre balse warar ku dhawdhaw xafiiska maamulka gobolka ayaa sheegay in socdaalka badhasaabku la xidhiidho wadahadallo dhawaanta wafdi ka socday dalka itoobiya arrimaha tahriibayaashaasi kala yeesheen guddoomiyaha gobolka , kaddibna madaxda Itoobiya ee ka timid Aw Barre la tusay taahriibayaashaasi kaddibna labada maamul isku afgarteen in loosoo celiyo dalkii ay ka tegeen .
Arrinta tahriibayaashan ku jiray xabsiga dhexe ee Boorama ayaa waxa beryahanba cabasho ka muujinayey maamulayaasha xabsiga Boorama oo ka cawday inaysan maxaabistaasi tahriibayaasha h u haynin adeegyo ku filan, sidaa darteedna ay codsadeen in loo dhiso dhul kale ama la iskaga celiyo dalkoodii.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Guddoomiyaha G/Awdal Oo Magaalada Aw Barre Ee Dalka Itoobiya U Kaxeeyey Tariibayaashii Dhawaanta Lagasoo Qabqabtay Xeebaha Galbeedka "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback