Borama-(Lug)-Xafiiska maamulka G/Awdal ayaa soo saaray wareegto lagu mamnuucayo shirarka ama seminaarada aanay waxba ka ogeyn maamulada laamaha dawladda ee G/Awdal.
Sida ay sheegeyaan warar ku dhaw xafiiskaasi ayaa la sheegeyaa in wareegto uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha G/Awdal Maxamuud Sh. C/Laahi Cige loo qaybiyey madaxda laamaha daawladda ee heer gobol iyo heer Degmo, taasoo lagu amrayo inaysan madaxdaasi iyo ururada waddaniga ah ee ka hawlgala gobolku qaban Karin shirar ama seminaarro aan lala socodsiin maamulka gobolka.
Qoraalkan loo qaybiyey maamulka laamaha dawladda ee gobolka ayaa la sheegeyaa inuu ka dambeeyey shan ama lix maalmood ka hor markii gobo ku yaalla magaalada Boorama ay iskugu yimaaddeen ama shirk u qabsadeen qaar ka mid ah culimada diinta Boorama iyo maamulayaasha xarumaha waxbarashada gaar ah sida machadyada barashada diinta, kuwaasi ama culimadaasi oo la sheegay inay kaga hadlayeen horumarinta machadyadaasi , isla markaana abaalmarinno loogu qaybinayey arday ay gacanta ku hayaan oo la sheegay inay dedaal ka muujiyeen barashada diinta .
Kulankan oo la sheegay inaan lagu martiqaadin maamulayaasha dawladda ee gobolka iyo degmada ayaa kusoo beegmay wakhti xasaasi ah oo ku beegan dagaallo diineed oo ka dhacaya koonfurta Soomaaliya, Soomaalilandna shaki kla qabto in dagaaladaasi kusoo durkaan Somaliland ,amarkan badhsaabkuna yahay mid la xidhiidha arrimaha amniga iyo siyaasadda.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maamulka G/Awdal Oo Soo Saaray Wareegto Lagu Xaaraantinnimaynayo Kulannada Iyo Seminaaerada Aan Lala Sodsiin Maamulka Dawladda Ee GobolKa "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback