Borama-(Lug)-Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland C/laahi ismaaciil Cirro ayaa maanta kasoo laabtay socdaal in muddo ah ugu maqnaa xeebaha Galbeedka ee dalka halkaasoo waayadanba laga hadal hayey inay kasoo degeen badeecado aan la cashuurin.
Sida wararku sheegeyaan Wasiirka daakhilga oo socdaalkiisan gobolka selel iyo Awdal kasoo galay dhimnaca dalka Jabuuti ayaa kormeer xaqiiqo raadis kusoo maray degaanno ka tirsan dhulka lama degaanka ah ee xeebta gobolka Awdal , kuwaasoo la sheegeyey in lagasoo dejiyey badeecado aan la cashuurin, Wasiirka ayaa la sheegeyaa inuu tegey xeebta Bullo caddo iyo degaanada u dhexeeya lughaya iyo Saylac, halkaasoo dhinaca kale ay ciidamada qaranka ee xeebaha galbeedku kasoo qabqabteen taahriibayaal ka yimid dalalka deriska ah oo doonayey inay doonyo ka raacaan dhulkaasi .
Inkastoo an wax war ah kagasoo saarin safarka wasiika waxase lagu tilmaamay inuu ahaa xaqiiqo raadin la xidhiidhay arrimahaasi, waxyaalihii uu kusoo arkayna uu la tegi doono xafiiskiisa Hargeysa .
Dhinaca kale xubno ka tirsan masuulyiinta magaalada Saylac iyo G/selel ayaa la sheegeyaa inay u kicitimeen dalka deriska ah ee Jabuuti halkaasoo la sheegeyo in lagu casuumay dabbaldegyada loo samaynayo maalinta xorriyadda dalka Jabuuti .
Sida ay sheegeyaan wararakaasi waxa wafdiga horkacaybaa layidhi badhsaabka gobolka Selel Ismaaciil Cawaale waxana ka mid ahbaa la yidhi xubno ka tirsan shaqaalaha laamaha dawladda ee degmada iyo gobolkaba , iyadoo xilka magaaladaasina lagaga sii tegey Guddoomiyekuxigeenka Golaha degaanka degmada Saylac Cismaan Muumin Caarre .Sidoo kale ayaa wararku sheegeyaan in madaxdhaqameedyo kasoo jeeda gobolka Awdal iyaguna Boorama uga ambabaxeen dabbaldegyadaasi
Ambabaxa wafdiyadan Somaliland ee dalka Jabuuti ayaa kusoo beegmay wakhti berri oo bisha June 26 Somaliland laga xusi doono gobannimada Somaliland.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wasiirka Daakhilga Oo Kasoo Laabtay Kormeer Shaqo Oo Uu Ugu Maqnaa Xeebaha Galbeedka Iyo Xubno Ka Tirsan Maamulka G/Selel Oo Lagu Casuumay Daabbaldegyada Dalka Jabuuti "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback