dsc03916.JPG

 

Boorama-(Lug)- Habeenimadii xalay ayaa Hotel rays ee magaalda Boorama waxa lagu qabtay munaasabad loogu talo galay bandhiga dhaqanka iyo hidaha ee ardayda Jaamacada Eelo American ee magaalada Boorama, munaasabdan ayaa waxa kale oo ku lamaanaa soo gabogabaynta sanad waxbarasheedkii 2008/2009 ee jaamcadaasi, munaasabadan ayaa waxa kale oo goobjoog ka ahaa masuuliyiin aad u tira badan ooka kala socotay gudoonka waxbarashada, waalidiinta ardayda, ardayda jaamacadda, iyo masuuliyiin ka socotay axsaabta qaranka.

cimg4026.JPG

Prof. Colhaye oo isagu ah ku simaha Gudoomiyaha Jaamacadda Eelo waxana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay bandhigan caawa, sidoo kale waxa uu xusay in ay Ardayda Jaamcada Eelo ku mahadsan yihiin qaban-qaabadii munaasabadan aadka u wayn.

cimg4040.JPG

Munaasabadan ayaa waxa ugu horayn ka hadlay diiwaangaliyaha guud ee jaamacada Prof. Hillary Gitau  ayaa xusay in ay caawa tahay habeen ay leeyihiin ardayda Jaamacadda Eelo, waxa kale oo uu sheegay in caawa ay la mid tahay habeenada taariikhiga ah ee soo maray Jaamacadda Eelo, waxa kale oo uu Prof. Hillary xusay kuna dhawaaqay magacda ardaydii dadaalka waxbarasho muujiyay ee kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda isla markaana uu tilmaamay in ay aad uga soo bexeen waajibkoodii dhinacyada waxbarashada iyo hormarka kale ee Jaamacadda.

cimg4049.JPG

Gudoomiyaha Ardayda Jaamacda Maxamuud Sh. Ibraahim oo isaguna ku hadlayay magaca ardayda jaamacada EELO ayaa si waynugu mahad naqay ka soo qayb galayaasha munaasabadan, waxa kale oo uu xusay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay u qabsoonto munaasabadii Dhaqanka iyo Hidaha ee Jaamacadda Eelo. Md. Maxamuud waxa  kale oo uu xusay in ay ardayda Jaamacadda EELO go’aansadeen in ay Dhiig ugu deeqaan Cisbitaalka Guud ee Boorama iyaga oo markaasi si tabaruc ah ku shubaya, waxa kale oo uu xusay in ay Maamulka Jaamacadda isla af garteen in ay 26ka Juun ee Sanadwalba loo aqoonsado maalinta bandhig dhaqameedka Jaamacadda Eelo.

cimg4050.JPG

Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Boorama Dr. Ismaaciil Muxumed Aye ayaa isaguna ka hadlay munaasibadan waxana uu xusay in ay aad ugu faraxsan yihiin sida hibada mudan ee ay ardaydu ugu deeqday dhiigan waxana uu sheegay in ay tani tahay talaabo geesinimo leh oo horseedi doonta in la helo dhiig kayd ah oo lagu badbaadiyo bukaan tiro badan ooh ore ugu dhibanaa helida dhiig lagu badbaadiyo.

cimg4062.JPG

Munaasbadan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxa lagu soo bandhigay bandhig dhaqameedyo kala duwan kuwaas oo ay hormood ka haayeen Ardayda Jaamacadu, waxa kale oo la soo ban dhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, sida Sayliciga, Wilwilaha , heelada, Dhaantada, buraanbur iyo gabayo kale. Waxa kale oo ay ka soo qayb galayaashu daawadeed filim dhaqameed ay soo diyaariyeen ardayda jaamacaddaasi kaasi oo ka waramayay dhaqankii Bulshada soomaaliyeed.

cimg4079.JPG

Munaasabadan ayaa waxa gabagabadeedii shahaadooyin lagu gudoonsiiyay, qaar ka mid ah Ardayda, macalimiinta iyo odayashii dhaqanka ee goobjooga ka ahaa.
cimg4093.JPG
cimg4100.JPG
cimg4101.JPG
cimg4108.JPG
cimg4110.JPG
cimg4113.JPG
cimg4114.JPG
cimg4031.JPG
cimg4064.JPG
cimg4065.JPG
cimg4066.JPG
cimg4066.JPG
cimg4073.JPG
cimg4081.JPG
cimg4083.JPG
cimg4083.JPG
cimg4086.JPG
cimg4089.JPG
cimg4092.JPG
cimg4094.JPG
cimg4116.JPG
cimg4117.JPG

Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama