djibouti-flag.JPGDjibouti-(Lug)-Waxa habeenkiii xalay illaa maanta oo sabti ah laga xusaya jamhuuriyada jabbuuti sannad guuradii 32-aad ee ka soo wareegtay markii xornimada  ay ka qaateen gumaystihii Faransiiska 27 bishii June sannadkii 1977kii  munaasasibado  iyo xaflado lagu maamuusayo maalintaas ayaa kasocda guud ahaanba dalka jamhuuriyadda jabbuuti.

djibouti-flag.JPG
 
Magaalada caasimadda ah ee jabbuuti  iyo xarumaha gobolada kala duwan ee dalkaasi ayaa  xalay waxa si kala gooni gooni ah loogu qabtay munaasabado lagu soo bandhigay gabayo, heeso iyo qaar kamid ah ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo  ay jilayeen fannaaniin reer jabbuuti iyo kuwa  Somaaliya oo hadda sugan jabbuuti munasabidahaas oo ay shirguddoominayeen madaxda sarsare ee jabbuuti iyo kuwa goboladaba waxana lasoo gabagabeeyay saacaddu markay ahayd 12:habeenimo oo lasaaray calanka jabbuuti
 
Waxana saaka laga qaban qaabiyay dalka oo dhan  gaar ahaan magaalada jabbuuti munaasnabado gaardis oo ay ciidamadu lug ku marayaan goobo loogu talo galay halkaasoo ay ku sugan yihiin madax aad tiro badan  oo uu kamid yahay madaxweynaha jabbuuti Md.Ismaaciil Cumar Geelle oo ay hareer fadhiyaan ra,iisalwasarihiisa dilayta Md.Maxamed Dillayta iyo guddoomiyaha golaha baarlamanka eedalkaas Idiris Arnaa,Uud Cali  iyo dhammaan golaha xukuumada iyo marti sharaf kale oo ay kamid yihiin danjirayaasha dalalka qaarkood u fadhiya jabbuuti waxana la filayaa in khudbad uu halkaas kajeediyo madaxweyne geelle
 
Jamhuuriyadda jabbuuti  oo uu Faransiisku gumaysanayay muddo sagaashan sannadood ah  ayaa markii calanka la taagay waxa hortaba madaxweyne kanoqday allaha unaxariistee :Al Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon isagoo waddanka soo xukumayay muddo 23 sannadood ah waxana uu waddanku soomaray dhibaatooyin badan oo siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale kuwaasoo uu ku xalliiyay hab waayeelnimo waxana uu talada ku waraeejiyay madaxwaynaha hadda ee Md.Ismaaciil Cumar Geelle sannadkii 1999kii kadib doorasho dalka  kadhacday
 
Jamahuuriyadda jabbbuuti ayaa waxa kamuuqda isbeddelo badan oo dadku bogadiyeen iyadoo la kordhiyay marsada kaliya ee dhaqaalaha jabuuti ku xidhan yahay waxana la sameeyay  goob  cusub oo ay kashaqayn karaan shaqaale aad ubadan waxa kale oo lasameeyay guryo kiro iyo iib isugu jira oo logu talo galay in dadka danyarta ah ay ka faa,iidaystaan iyo waxyaalo kale oo badanoo dani ugu jirto dadwaynaha reer jabbuuti inkastoo aanan waxba laga qaban qiimaha lacageed ee laga bixiyo korantada sida aadka ah looga isticmaalo xaafadaha magalaada jabbuuti taasoo sii korodhaysa sannadba sannadka uu ka dambeeyo.

Wariye:-
Cilmi Yuusuf Cadaawe
Lughayanews