Saylac-(Lug)- Munaasabadii xuska 26ka June oo ku began maalintii uu dalkaSomaliland ka hantiyay xoriyada gumaystihii Ingiriiska 49 sano ka hor ayaa laga xusay magaalada Saylac ee gobolka Salal, munaasabadan oo kal dhacday xarunta dawlada hoose ee mahaaladaas ayaa waxa goobjoog ka ahaa Godoomiye ku xigeenka golaha degaanka Md. Cismaan Muumin Caare, Taliye xigeenka Ciidanka Qaybta Booliska ee G/Salal Md. Maxamed Yuusuf Axmed, Taliyaha Saldhiga Booliska Saylac Md. Xatiir Cilmi Rijaale Taliyaha ciidanka Bada Degmada Saylac Cabdiraxmaan Khayre ( Araweelo) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan golaha degaanka ee degmadaasi.
Munaasidadan oo uu ka hadlay kusimaha gudoomiyaha golaha degaanka ahna gudoomiye ku xigeenka degmada Saylac, mudane Cisman muumin Caare ayaa sheegay in 26ka June ay tahay maalin qadarin mudan isla markaana lagu xasuusanayo sida ay dadka reer Somaliland uga xoroobeen heeryadii Ingiriiska ee dhinacyada fekerka, diinta iyo xoriyadaba.
Md. Cismaan mar uu ka hadlayay ahmiyada ay nabad galyadu leedahay ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado adkaynteeda isla markaana garab laga siiyo ciidamada aalaaba heeganka u ah, Md. Cismaan mar uu ka hadlayay dhinaca tahriibta ayaa waxa uu xusay in loo baahan yahay in si iskaashi mudan garab la isaga siiyo sidii masiiibada tahriibta wax looga qaban lahaa waxana uu u mahad naqay ciidamada kala duwan ee qalabka sida ee aalaaba heeganka u ah adkaynta nabadgalyada iyo ilaalinta xoriyada 49 jirsatay ee qarankan Somaliland.
Hadaba inkastoo munaasabadan laga xusay magaalada Saylac ayaa hadana waxa aanan laga xusin guud ahaanba magaalooyinka kale ee gobolada Salal iyo Awdal. Ma jirin dhaqdhaqaaq dabaaldageed iyo xusas haba yaraatee loo sameeyay munaasabadan mana jirin hadalo hambalyo ah oo ay madaxda gobolku u jeedisay shacabka goboladan.
Lughayanews Desk
Saylac/Office


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Munaasabadii Qaranimada Somaliland ee 26ka June Oo Laga Xusay Magaalada Saylac Oo Kaliya Guud Ahaanba Gobolada Salal iyo Awdal. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback