haddii La I Dooorto dowlad islaami ah ayaan soo dhisi doonaa) Ing.Faysal Cali-Waraabe
Riyaad-(Lug)-Xaflad lagu xusayey maalinta 26 ka June ayaa lagu qabtey hoolka munaasabadaha ee ee Nisfal Qamar ee k u yaal magaaladan Riyaad, waxaana ka soo qayb geley murashaxa jagada madaxwaynenimada Somali Land ahna
guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal cali waraabe, murashaxa madaxwayne ku xigeenka ee xisbigaasi Prof. Maxamad rashiid sheikh xasan, wakiilka Somali land u fadhiya Sucuudiga Axmad Siciid Maxamad iyo dadwayne kale oo fara badan.
Eng. Faysal cali waraabe oo madasha ka hadlay ayaa ugu horreyn shegey in ay ujeedada socdaalkoodu ahayd gudashada waajibka cumarada iyo waliba buu yidhi inaannu la kulanno jaaliyadda rer Somali land ee deggan dalkan sucuudiga.
xornimadii la qaatey 26 kii June ee 1960 kii ayaa waxa uu Ing. Faysal ku suureyey ilma dhashey oo haddana siqiirey, wuxuuna qalad weyn ku tilmaamey in ay Somali land muddo 4 maalmood ah kadib midow la gashey Somalia , iyada oo la ogaa buu yidhi dhibaatooyinkii qaladkaasi dhaxalsiiyey reer Somali land.
Faysal waxa kale oo uu intaa raaciyey: (annagu waxaannu siyaasadda u gelney inaannu qaladkaasi saxno, haddaba magaca Somali lanad carrabka bara ciddii Somaia tidhaahna carrabka ka guba)
Eng. Faysal waxa kale uu sheegey in xisbigiisu haddii uu ku guuleystey hoggaanka Somali land uu awoodda saari doono waxbarashada iyo dhaqaalaha , wuxuuna ku baaqay inuu soo dhisi doono xukuumad islaami ah oo kitaabka iyo sunnaha waafaqsan haddii uu doorashada ku guuleysto.
Sidoo kale madaxwaynaha Somalia Sh.shariif sh. Axmad ayuu faysal kula taliyey inuu ka faa`ideysto waayaragnimada Somali lanad, islamarkaana uuna shisheeye waxba ka sugin ee uu dadkiisa la heshiiyo, waxuuna yidhi:
Kuwan shariifna waxaannu leenahay united nation dad dusha kaa saari maysee, ina adeerkaa la heshii , oo wadaadadaada la heshii, oo iska daa argagixaa joogta iyo dawlad baan ahay, afkaasi waa afkii Cabdillaahi Yusuf-ba ka socon waayey, markaa walaalyaan inaad wada fadhiisataan baa ka fiican).
Prof. Maxamad Rashiid Sh. Xasan ayaa isaguna ku dheeraadey nabad gelyada Somali land, qurba joogtana waxa uu ugu baaqey iney ka qaybqaataan dhismaha iyo horumarka dalkooda.
Wakiilka Somali land u fadhiya dalkan Sucuudiga axmad siciid maxamad ayaa isaguna sheegey in ay qurbojoogta Somali land mar walba ka xunyihiin muranka iyo ismaan dhaafka dhex mara siyaasiyiinta gudaha, wuxuuna kula taliyey masuuliinta dalkaasi iney mar kasta qadariyaan danta qaranka, dadwaynihii xuska ka soo qeyb gelayna wuxuu uga digey inay markale Somali weyn ku noqdaan
Sidoo kale liibaan barre Aw-Gaaab oo ah guddoomiyaha ururka dhalinyarada reer Somali Land ee sucuudiga ee magciisa marka la soo gaabiyo la yidhaa SSYO, iyo dhammaan shakhsiyaadkii kale ee xafladda ka Hadley ayaa iska dabo maray iney xuskan uga danleeyihiin iney dadkooda ka wacyi geliyaan ugana digaan waxa ay ku magcaabeen qaladkii waynaa ee 60 kii la geley.
Dabbaal deggan oo socdey ku dhawaad 6 saacadood ayaa lagu soo bandhigey ciyaaro kala duwan oo isugu jira kuwa hiddaha iyo dhaqanka iyo qoob ka ciyaarka casriga ah.
Isku soo wada xooriyoo xukaasi waxa uu taariikh ahaan salka ku hayey geeraarkii abwaan Cabdillaahi Suldaan Timacadde ee ay tuducyadiisa ka mid ahaayeen: sarreeyoow ma nusqaamoow an siduu yahay eegee kaana siib kanna saar), haseyeeshee waxaanan meesha ka maqneyn olole la xidhiidha doorashooyinka Somali Land oo ay madaxda xisbiga UCID uga faaiideysteen kulankaasi.
Waxa la filayaa inuu guddoomiye Faysal Cali Waraabe isniinta sahan danbe u duuli doono dalka Canada, halka Dr. Maxamad Rashiid-na dib ugu noqon doono S.Land.
Zakariye Xuseen-Quulle
Lughaya news - Riyaad


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Riyaad Oo Laga Xusey 26ka June Iyo Madaxda Xisbiga UCID Oo Ka Qeyb Geley "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback