Hargeysa-(Lug)-Xaflad Balaadhan oo Lagu Xusayay Munaasibadda 26 ka Juun ayaa xalay Lagu Qabtay Qasriga Madaxtooyadda ee JSL .
Xafladaasi waxa ka soo qaybgalay madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, wasiiro xildhibaano iyo dadweyne lagu soo martiqaaday..
Xafladaasi lagu Xusayay xalay 26 ka Juun Maalintii ay Somaliland Xoriyadeedii ka qaadatay Mucamaradii Ingriiska waxa Xafladaasi si weyn uga Muuqatay Fanaanada Caanka ah ee Maryan Mursal Ciise iyo Nimco Yaasiin Caraale oo Labadduba Heeso si weyn loo Jeclaystay ku soo bandhigay .
Sidoo kale Fanaaniinta Qaranka ee Somaliland ayaa iyana Ruwaayaddo iyo Heeso ku saabsan Maalintaasi 26 ka Juun ku soo bandhigay Goobtaasi .
Maanta oo ay ahayd 26 ka Juun waxa ay Sanadkan ku soo hagaagtay Maalin Jimce ah iyadoo maalinta berito ahna ay Fasax ahaan Doonaan Shaqaaluhu si Loo Xuso qiimaha maalintaasi leedahay .
Wariye:-
Mohamed Mussa inji
Hargeysa- Somaliland
mahamad95@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xaflad Balaadhan Oo Lagu Xusayay Munaasibadda 26 Ka Juun Ayaa Xalay Lagu Qabtay Qasriga Madaxtooyadda Ee JSL "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback