Johannesburg-(Lug)-Ugu yaraan hal qof ayaa la dilley, caawa oo lugu dilay magaalada port elisaberth ee gobaolka Easter cape (marxuunka oo la oran jiray (Cumar Cabdi ) dhacdooyin kala duwan oo kala dhacay gobolada Western Cape.
Arbacadii lasoo dhaafay rag hubeysan ayaa u dhacay dukaan ay Soomaali leedahay oo ku yaala xaafada ee kharaabow ee duleedka Cape Town, ragga waxa ay toogasho ku Dilleen Marxuun (Maxamuud Ismaanciil Xareed Baasuuke) waxayna isla goobta ku dileen gabadh kale ay xabbada ka haleeshey xabadka Marxuumka la dilley ayay xabbada kaga dhacday xabadka. isla goobtana ku geeriyooday .
Dilalkani waxay kusoo beegmayaan iyadoo muddo bil ah laga nastey dilalka Soomaalida loo geysto, waxaase xusid muddan in falalkani ay dhacaan xiliyada fasaxyada la galo ee dadka dalka ay dabaal dagayaan, todobaadkani waxaa dhamaaday fasixii ciida masiixiga ee Jimcaha wanaagsan loogu magac daray (good Friday) ama (Easter).
Boqolaal qof oo Soomaali ah ayaa si xaq darro ah loo dilley, kumanaan fal dambiyeed ayaa laga galay dadka Soomaaliyeed ee degen Koonfurta Afruca.
Wariye:-
Ibrahim Mohamed (Zaki)
Lughayanews- Johannesburg


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dilalka Lugu Hayo Dadka Soomaalida Ee Ku Nool Wadanka South Africa Oo Sii Badanaya "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback