abwaan-budin.jpgHargeysa (lug) Abwaan Maxamad Cismaan Budin oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa ku guuleystey kaalinta koowaad ee tartankii gobollada Somali Land oo lagu qabtey magaalada Hargeysa, waxaana la guddoonsiiyey shahaado sare oo dhinaca suugaanta ah iyo abaal marin kale.

waxaaa wareeggii u danbeeyey ku tartameyey  Lix wiil oo kakala yimid lixda Gobol ee Somaliland,wallow ayna ku jirin wax hablo ah semi finalkii ayaa lagu reebay lakiin doorka danbe inshaa alaah waa kaalmaha hore ayaan wada rajaynaynaa dhamaanteen, lixda wiil iyo gabyadooduna waxa ay kala ahaayeen sedan:-

Tartamayaasha+Gabayadooda+Goboladooda

1 Maxamed Cumar Budin (saw nabaddu googol maaha) Awdal
2 Siciid Maxamed Gahayr (Dal Bila) M.Jeex
3 Cabdirisaaq Saleeban Cali (Nabadoon) Saaxil
4 Mustafe Maxamed Jibriil (Dalku waa Camiranyahay) Sanaag
5 Axmed Cabdilaahi Jaamac (Gudiga Nabadda) Sool
6 Axmed Cabdi Xirsi Hogor (Tusaale) Togdheer

Markii lixdaa wiil ee ka kala socday Gobolada la dhagaystay gabayadoodii waxa gudidii garsoorku ay qadar dabadeed ku dhawaaqeen sadexdii qof ee kaalmaha koowaad,labaad iyo saddexaad kala galay waana sidan;
abwaan-budin.jpg

Kaalinta koowaad waxa galay Maxamed Cumar Budin oo ka socday Gobolka Awdal

Kaalinta Labaad wax galay Siciid Maxamed Gahayr oo ka socday Gobolka, Maroodi Jeex/Hargaysa
Kaalinta Seddexaad waxa galay Cabdirisaaq Saleebaan Cali Gobolka, Saaxil

Ugu danbayntii waxa shaadooyinkii iyo abaalmarintii gudoonsiiyey dhalinayadii ku guulaystay kaalmaha hore Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale gudoomiye xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland una mahdnaqay dhalinyardii, dadweynihii iyo cidkasta oo gacan ka geysatay barnaamijkan qiimaha leh.

Sahra Kiin Abdirahman Ahmed
Sahra873@hotmail.com

X.G: salalnews