lacagta-somaliland.JPGBorama-(Lug)-Magaalada Boorama ayaa maanta si aad loo hadal hayey wax iska beddelay sarrifka lacagaha birta Itoobioya iyo tan soomaalilandta iyadoo maanta si aad ah looga dareemayey magaalada cabashooyin  kasoo baxayey qaar ka mid ah ganacsatada qaadka .

 lacagta-somaliland.JPG

Dhaqdhaqaaqa lacagaha Birta  iyo Itoobiyada ah  iyo tan soomaalilandta ah  oo in muddo ah aanay wax iskabeddelin sarrifkooda, qiimahooduna  ahaa 5000 oo shilin Somaliland ah tobanka Bir ee Itoobiya  lagu bedesho ayaa maanta la sheegeya insarrifka birta Itoobiya kor u kacay dhinaca lacagaha soomaalilandta , boqolka birna lagu bedelenayey 53000-54000 oo shilin Somaliland ah balse dhinaca kale ,sida ay ku doodayaan qaar ka mid ah ganacsatada qaadka Boorama boqolka bir  ee Itoobiya ah aad ku beddelen karto ku dhawaad 58000 shilin Somaliland, taasoo u ekaanaysa in lacagtii birta ahayd ay lexejeclaynayaan sarriflayaasha Boorama lacagta soomaalilandna hoos u dhigayaan .

lacagta-ethiopia.jpg
 
Dhinaca kale qaar ka mid ah sarriflayaasha Boorama oo aan wax ka weydiidyey waxa la sheegeyo ayaa iyagu been ku tilmaamay  cabashada qaadwalayaasha . Maamulaha saariflaha ugu weyn Boorama oo la yidhaa Idiris  oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi ”dadku waxay jecel yihiin inay wax aan jirjn wax ka sameeyaan, Annagu waxan  Boqolka birta Itoobiya dadka ku siinnaa  54000 oo shilin Somaliland ah, marka ay Soomaalilandta haystaan ee ay birta doonayaanna waxa ku siinaa 56000, faraqa u dhexeeyaana waad garaan karaysaa, laakiin nin doonaya inuu isagu abuuro wax aan jirin, dee dadkaa ka badan oo arkaya”.
 
Si kastaba ha ahaate sarriflayaasha Boorama iyo ganacsatada magaalada ayaa inta badan waxay dhibaatooyin dhaqaale soo gaadhsiiyaan dadweynaha danyarta ah ee kala haysta labada lacagood ee birta iyo soomaalilandta , mashaakilka dhaqaale ee Boorama inta badan ka dhacaana ay sabab u tahay  sida weli reer Boorama birta Itoobiya ugaga kalsoon yihiin lacagta Somaliland ta ah.


Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama