Borama-(Lug)-Maxakamadda G/Awdal ayaa maanta gubtay badeecado sharaabka la qaso ah oo wakhtigoodii dhacay isla markaana xabsiga u taxaabtay ganacsatadii badeecadahaasi lagu soo qabtay .

Badeecaddan oo lagu gubay maxkamadda horteeda ayaa waxa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda G/Awdal, kuxigeenka X/ilaaliyaha guud ee g/Awdal, hawlwadeenada maxkamadda iyo saraakiil ka socotay ciidamada amniga .

Guddoomiyaha maxkamadda G/Awdal Axmed C/Laahi Buubaal (Qaadi) oo gubitaanki badeecaddaasi ka hadlay ayaa sheegaya in cid kastoo ka mid ah dadweynaha ay waajib ku tahay in ay iska qabtaan waxyaalaha laga ganacsado ee dhibaatooyinka caafimaaddarada u keenaya bulshada, badeecadahanna  ay qayb yar uun ka yihiin  boqollaal badeecado oo ay dhammaadeen wakhtigii loogu talogalay in la isticmaalo, balse ganacsatada Boorama iyo kuwa kale oo Somaliland ahiba dadweynaha lacag kaga qaataan waxyaalaha caafimaad darrada u keenaya bulshada .

Wakiilka xeer Ilaaliyaha Guud  ee g/Awdal Axmed Cismaan Mire oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in gubitaanka sharaabkan ku yimid  wadashaqayn   u dhaxaysa dadweynaha iyo ciidamada amniga, hay’adda sharcfulinta ee maxkamadduna dadweynaha tuseen in sharciga la waafijiyo cid kastoo bulshada usoo jiidda waxyeelo caafimaad .Axmed cismaan Mire ayaa sidoo kale sheegay in sharaabkani aanu ahayn kan keliya ee wakhtigoodii dhacay balse farmasiyada lagu iibiyo dawooyin wakhtigoodii dhacay oo taariikhda loo cusboonaysiiyey bulshada ayeyna u taalla sidii ay heli lahaayeen waxa uu ku tilmaamay “xanuunada ay lacagta kusoo iibsanayaan ee ay caafimaad ka raadinayaan”.

Badeecaddan ayaa ka koobnayd qasadaha sharaabka cananiska oo sida la sheegay magaalada laga soo geliyey dhinaca Wajaale, waxana  falkaasi loo xidhay siday maxkamaddu sheegtay laba nin oo gacantooda loogu tegey.

Waa markii ugu horreysay muddo sannado ee maxkamadda g/Awdal ay dadweynaha ka qabato badeecado dhacay, waxase  taa ka horreeyey  keliya ganacsade reer Hargeysa ah oo magaciisa lagu naanayso ‘Carab ha iswaalin’  u Boorama ku gubay badeecado u badnaa sharaab qasacadaysan oo yaallay laan ka mid ah laamihiisii ganacsiga ee Boorama  muddo haatan laga joogo toban sano kudhawaad  .

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama