Borama-(Lug)-16 tahriibayaal itoobiyaan aha ayaa lagu qabtay deegaanada Xuseeni ee dagmada Saylac, sidan waxa Lughayanews u xaqiijiyay Gudoomiye ku xigeenka golaha dagaanka Saylac Md. Cismaan Muumin Caare. Tahriibayaashan oo la qaqabtay 5tii subaxnimo ee saaka ayaa waxa ay isu jiraan 3 dumar ah iyo 13 rag ah oo dhamaantood Itoobiyaan ah, waxana ay la socdeen gaadhi Land Cruiser ah oo laga leeyay Magaalada Boorama sida uu sheegay Md. Cismaan Muumin Caare.
Tahriibayaashan oo ay gacanta ku dhigeen ciidanka qaranka ee xeebaha Somaliland ayaa waxa gacanta loo galiyay ciidamada Booliska ee dagmada Saylac, waxanaay ciidamada Booliska ee Saylac markiiba ku wareejiyeen Ciidamada booliska ee Xariirad halkaas oo uu xusay Gudoomiye ku xigeenku in lagaga wareejin doono Dawlada Itoobiya.
Baabuurkii ay la socdeen dadkan tahriibayaasha ah ayaa isaguna ku xidhan xarunta ciidanka qaranka ee Jidhi.
Waxa ay ahayd maalintii Jimcihii markii ay sidoo kale gacanta ku dhigeen tahriibayaal gaadhaya 170 kale oo koox-koox u lugaynayay ciidamada saldhiga bariga Boorama.
Taliyaha Saldhiga Bariga Boorama Md. Yaasiin Cabdi Buux ayaa isaguna sheegay sida ay wararka soo gaadhaya shabakada wararaka ee Lughayanews sheegayaan in tahriibayaashan ay u lugaynayeen dhinaca degaanka Camuud isla markaana ay u qorshaysnayd in ay u wareegaan dhinaca Baki si ay baabuurta halkaas uga raacaan.
Tahriibayaashan aya waxa ay wararku sheegayaan in isla maalintii sabtida ahaydba lagu wareejiyay dawlada Itoobiya.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Tahriibayaal Maanta Lagu Qaqabtay Deegaanka Xuseeni ee Degmada Saylac "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback