Borama-(Lug)-Mar kasta oo la filayo inay Somaliland ka dhacaan isbeddelo siyaasadeed ayaa waxa soo baxa mashaakil aan hore loo arki jirin ama la illoobay haddii lasoo maray, sidaasoo ayaa mar kasta oo sharciga iyo dastuurka isku qabtaan xukuumadda iyo baarlamaanka lasoo doortay uu usoo baxaa loollan Awoodeed oo ka dhex abuurma hay’adaha sharcidejinta iyo xukuumadda, axsaabta mucaaradka iyo xisbulxaakimka, golayaasha guurtida iyo G/baarlamaanka.
Waxa kale oo ay Somaliland usoo joogtay dagaalka siyaasadeed ee mar kasta ka dhex abloosma golayaasha qaranka siiba baarlamaanka, xisbiyada mucaaradka ah iyo xxukuumadda, Waxa kale oo ay reer Somaliland la qabsadeen sida loo maareeyo ama dawladda looga saaro mar kasta oo ay cidhiidhi geliyaan golaha baarlamaanka iyo xisnbiyada mucaaradku, iyadoo mar walba loo saaro ergo dhexdhexaadisa dhinacyadaasi .
Maanta oo ay Somaliland kusoo dhawyihiin doorashooyin la fili karo inay ka adkaan doonaan, kana kharash iyo cadaawad badnaan doonaa kuwii hore loosoo maray ayaa waxa durba la arki karaa caqabado badan oo dad badan ku abuuray shaki ku saabsan inay dhici doonaan doorashooyinkaasi wakhtigii loogu talogalay ee ahaa 27ka September ee sannadkan iyo in kale.
Inkastoo ay xukuumadda Rayaale iska riixday wax kastoo lagu eedeynayey inay dib u riixayso doorashooyinkaasi isla markaana ay shubtay lacagtii dawladdu ku darsan lahayd qabsoomidda doorashooyinka ayaa weli waxa haddana muuqda caqabado badan oo an logeyn wakhtiga iyo goorta laga gudbi doono ee ay qabsoomi doonaan doorashooyinkaasi .
Run ahaantii kama sheekayn karro waxa ka dhiman qabsoomidda doorashooyinkaasii balse waxay markasta xukuumaddu ku doodaysaa inaysan wakhtigeedii dhaafin hase yeeshee waxa arrimahaasi kasii daran dagaalka ka dhex aloosan komishankii kala hagi lahaa umadda, axsaabta iyo dawladda
Komishankaasoo murankiisu bilowday tan iyo maalintii diiwaan gelinta dadweynaha Somaliland la qabtay ilaa maantana loo maaro helin in komishankaasi noqdo mid haysta kalsoonida shacbiga, dawladda iyo xisbiyada , argtiyada saddexdaasi laamood ee siyaasadda dalka haysataayi ka qabaan komishankaa ayaana aad u kala fog .
Xisbiyada ayaa hore u soo jeediyey in gebi ahaanba la eryo komishanka , dawladda ayaa tidhi qaar ha la eryo , ergooyinkii dhexdhexaadinta khilaafka ayaa soo jeediyey in komishankaasi arrintiisu u taallo xisbiyada iyo dawladda, deeqbixixyayaashii ayaa arkay daciifnimadooda ,iyo musuqmaasuqooda , shacbiguna ma kala garan karayaan cidda khalan iyo cidda sax ah .
Haddaba maanta waxay siyaasadda Somaliland taagan tahay laba xubnood oo komishankaasi ka tirsan ha la eryo iyo la eryi maayo, rag xoog leh komishanka halagu daro iyo lagu dari maayo oo sharci maaha, arrimahaasoo dhammaantood sawir xun ka muujinaya qabsoomidda doorashooyinka balse lama oga cidda maanta salka u dhigi doonta komishanka liicliicaya ee aan iyaguna isku roonayn, cidna u roonayn .
Inkastoo shirguddoonka baarlamaankas Craxmaan cirro yahay nin ka xishooda hadalada xun, hanjabaadaha iyo abaabulka xamaasadda siyaasadeed, balse su’aasha meesha taalla ayaa ah ilaa intee C/raxmaan Cirro sii wadi karaa dulqaadkaasi, seeftiisana galka ka siibi doonaa? dad badan oo kasoo jeeda xisbiga UDUB u arkaan daciifnimo.
Kuxigeenka shirguddoonka Golahaasi , Sheekh Cabdulcasiis samaale ayaa mar kale isagana waxa soo waajahay siyaasadihii colaadda ugasoo jiiday dhinaca dawladda .
Sh.Cabdulcasiis Samaale kana mid ah xildhibeenada farakutiriska ah ee weli daacadda u ah xisbiga lagasoo doortay, welina ku shaqeeya ballamihii uu qaaday waagii lla dooranayey balse badi dawladdu ka hor timimay ayaa tan iyo markii shaqada baarlamaanka u qabtay saddex sano iyo badh ka hor xukuumadda Rayaale u haysataa inuu yahay cadowga koowad ee xukuumaddu ku leedahay baarlamaanka oo ay jeclaaan lahayd inuu u ekaado sida golaha guurtida ayaa arrinta maanta taagan ee komishanka ku saabsan la filayaa inay shirguddoonka iyo xukuumaddu fooddaa isku dari doonaan.
Shalay ayaa shirguddonka la sheegeyaa inuu dib u waabiyey mooshin xilka laga qaadi lahaa labada xubnood ee komishanka ka tirsan ee xukuumaddu arki kari laadahay, isagoo shirguddoonku qoraal uu u diray xukuumadda ku sheegay in sharciga la mariyo eriska nimankaasi waxayna jawaabtaasi durba muujinaysaa sida shirguddoonku diyaarka ugu yahay inuu daafaco xubnahaasi oo ay u arkaan inaanay jirin wax dembi ah oo ka galeen dalka, guddiyo nabadgelyo, kuwa caafimaad iyo kuwa siyaasadeedba aanay ogeyn waxay raggaasi ka galeen dalka ee dembi ah .
Xukuumadda oo filaysay in mooshinka ay wadataayi socon doono , baarlamaankuna ka takhalusi doono labadaa xubnood ayaa ilaa imika garan la’ jawaabta ay bixin doonaan qoraalka shirguddoonka baarlamaanka iyadoo dhinaca kalena mooshinkaasi dib loogu celiyey eriska xubnaha komishanka xubnaheedii baarlamaanka kala baxday golahaasi lamana oga meesha ay isla mari doonaan xukuumadda golahaasi ciilka badday muddo sannado ah iyo , baarlamaanka u jilibdhigay dagaallo siyaasadeed oo kaga yimaadda golaha Guurtida, komishankan itaalka daran, ergedii dhexdhexaadinta iyo doorashooyinka Somaliland waxase aan shaki ku jirin in xukuumaddu qaadi doonto tallaabo kasta oo u meelmarinaysa eriska labadaa xubnmood ee dad badani u arkaan inay yihiin labada nin ee ugu muxtaramsan kopmishankaasi.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Eriska Labada Xubnood Ee Komishanka Doorashooyinku Ma Yahay Bilowga Dagaal Kale Oo Siyaasadeed Oo U Bilowday Xukuumadda Iyo Shirguddoonka Baarlamaanka? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback