Borama-(Lug)-Munaasabad shahadooyin lagu gudoonsiinayay ardayda dhigata dugsiga gaarka ahe e gacanqabad ee ay wax ka
bartaan caruurta Suuqjoogta ah ee Magaalada Boorama isla Markaana ay gacanta ku hayaan ururada wadaniga ah ee Moonlight iyo SAYS ee Boorama ayaa manta lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta ururadan. Munaasabadan oo ay ka qayb galeen masuuliyiinta waxbarashada ee gobolka, daneeyayaasha dugsigan, culamaa’udiin waalidiin, arday iyo masuuliyiinta ururada Moonlight iyo SAYS.
Munaasabadan ayaa waxa ugu horayntii hadalo warbixin iyo soodhawayn ah ka jeediyay maamulaha dugsiga gacan qabad Md. Cabdilaahi Xuseen Caaateeye waxana uu sheegay in munaasabadani ay tahay mid qiimo wayn ku fadhida isla markaana loogu talo galay in ay ardayda dugsigan wax ka bartaa ku muujiyaan dadaaladii ay mutaysteen mudadii ay waxbarashadu socotay. Maamuluhu waxa kale oo uu sheegay in ay dugsigan dhigtaan arday tiradoodu dhan tahay 140 qof oo ay 75 ka mid ahi yihiin gabdho isla markaana ay waxbarashadoodu gaadhsiisan tahay ilaa fasalka shanaad ee dugsiga dhexe. Maamuluhu waxa uu sheegay in ay farxad wayn u tahay in 11 ka mid ah ardayda sanadkan dhamaysatay fasalka 4aad ay u wareegi doonaan dugsiyada dhexe ee magaalada, waxa uu aad carabka ugu ceceliyay maamule Cabdilaahi in ardayda dugsigu ay yihiin kuwo akhlkaaq ahaan adaad uga saraysa ardayda kale ee dugsiyada ay ku biiraan marka ay dhamaystaan fasalka Afaraad.
Waxa kale oo isaguna halkaas ka hadlay Sh. Xasan daheeye Axmed oo isagu ka mid ahaa daneeyayaasha waawayn ee dugsigan oo isagu garab taagnaa dugsigan tan iyo intii uu waxbarashadiisa bilaabay, Sh. Xasan Daheeye waxa uu xusay in ay dikirkan lahaayeen Hablaha Moonlight, waxa uu sheikh Xasan kula dardfaarmay macalimiinta dugsiga in la adkeeyo tacliinta aasaasiga ah ee ardayda loo dhigayo ee dhinaca tarbiyada, waxana uu sheegay in xooga la saaro dhinaca gabdhaha. Sh. Xasan waxa uu sheegay in ay aad u nasiib badan yihiin ardayda dugsigan oo uu xusay in ay nasiib u yeesheen in la helo waxbarasho bilaasha ah oo aanay helin arday badan oo kale. Sh. Xasan waxa kale oo si kulul u canaantay waalidiinta caruurtan oo iyagu noqday lafdhabarta arday badan oo dugsiyada ka tagta isla markaana waxa uu ku baraarujiyay inay manta hortaalo in ay caruurtooda mustaqbal u sameeyaan iyo in kale. Sh. Xasan waxa uu u mahadnaqay ururada Moonlight iyo SAYS oo iyagu ah kuwa wada dugsigan.
Hooyo Khadra Axmed Maxamed iyo aabo Xuseen Xasan Malow oo iyaguna ku hadlayay magaca waalidiinta ardaydan ayaa aad ugu mahadnaqay ururadan Moonlight iyo SAYS iyo shaqsiyaadkale oo reer Boorama ah oo iyagu suurto galiyay in ay caruurtoodu waxbarasho helaan. Hooyo Khadra oo si gaar ah u hadlaysay ayaa xustay in ay 4 caruur ahi u dhigtaan dugsigan waxana ay tidhi ma aha mid aan ilaawayno tani waanan xasuusnaanaynaa. Sidoo kale waxa ay waalidiintani xuseen in ay dadal ka gali doonaan sidii loo wacyi galion lahaa waalidka kale isla markaana caruurta loogu ogolaan lahaa in ay waxbarasho helaan.
Agaasimaha ururka SAYS mudane Nuur Aadan Shirdoon oo isgu munaasibadan soo gabagabeeyay ayaa sheegay in uu fikirka unkida dugsigani ahaa mid ka yimid ururka Moonlught ee gabdhaha balse uu hana qaaday markii ay la kaashadeen ururka SAYS ee ay dan wadaagta yihiin. Waxa uu xusay in uu dugsigan si rasmi ah u bilaabmay sanadkii 2005tii isla markaana marba marka ka dambaysa la hiigsaday ujeedooyinkii loo aasaasay. Agaasime Nuur waxa kale oo uu sheegay in hayada unicef ay ahayd midi ugu horayntii maalgalisay mashruucan balse wixii ka dambeeyay 2006dii uu dugsigani ku soo dhacay gacanta ururada Moonlight iyo SAYS oo ay kaabeen daneeyayaal waawayn oo degan Boorama. Mudan e Nuur waxa kale oo uu u mahadnaqay wasaarada waxbarashada oo uu xusay in ay iyadu tahay mida lafdhabarta u ah in uu iftiimo mustaqbalka dugsigan Gacan-qabad.
Munaasabadan ayaa waxa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay arday tiro badan oo iyagu kala galay kaalmaha kala duwan ee sanad dugsiyeenkii waxbarashada ee dhamaaday ee 2008/09.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Shahaadooyin Maanta La Gudoonsiiyay Ardayda Wax-ka –barata Dugsiga Caruurta suuq-Joogta Ah ee Gacan-qabad. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback