2.jpgHargeysa-(Lug)- Xaflad balaadhan oo loo sameeyay Fanaanada Caanka ah ee Maryan Mursal, ayaa xalay lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada ee Somaliland.

2.jpg

Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ay ku marti qaaday Marwada koowaad ee Madaxweynaha JSL Marwo Huda Barkhad Aadan, waxa ka soo qayb galay Qurba jooga reer Somaliland eek u sugan Somaliland, Marwooyin , Fanaaniin ay ka mid ahaayeen Fanaanka caanka ah ee Cabdi Nuur Alaale, Lafoole, Nimco Yaasiin, Ubax Fahmo iyo Maryan Mursal oo iyadu xaflada loo sameeyay.

3.jpg

Marwada Koowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Huda Barkhad Aadan, ayaa shahaado sharaf iyo hadiyado kale oo qaali ah gudoonsiisay Fanaanada Maryan Mursal.

4.jpg
 
Maryan Mursal ayaa hadal kooban oo mahad naq u jeedisay Marwada Madaxweynaha , waxana ay mahad naq balaadhan u jeedisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, iyadoo ugu mahad celisay sidii diiran ee loogu soo dhaweeyay dalka.

5.jpg
 
Sidoo kale, Haweenka reer Somaliland ayaa iyaguna u gartay oo siiyay Mawada Madaxweynaha Shahaado sharaf, iyagoo sheegay in marwadu ku mutaysatay hawl karnimada iyo sida mar walba ay u kaalmayso Dadka jilicsan ee reer Somaliland.

6.jpg

Munaasibadii xalay waxa ay fanaaniintu ku soo bandhigeen Heeso aad iyo aad u macaan, kuwaas oo soo jiitay dareenka dadkii ka soo qayb galay xaflada.

8.jpg
9.jpg
10.jpg
huda.jpg

Somalialndnation