Guddoomiyaha KULMIYE Oo  Sheegay Haddii Dib U Dhac Kale Ku Yimaado Doorashooyinka In Beesha Caalamku U Arkayaan Somaliland Qaran Fashilmay

Hargeysa-(Lug)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shaaca ka qaaday in beesha caalamku ay walaac ka qabaan dib u dhac dambe oo ku yimaada doorashada Madaxtooyada haddii taasi ay dhacdana ay Somaliland u arkayaan Qaran fashilmay.

ima3.jpg

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta duhurkii ku qabtay Gurigiisa Magaalada Hargeysa ka dib socdaal qaatay muddo laba bilood ku dhow oo uu ku soo maray dalalka Ingiriiska, Sweden.

ima2.jpg

Taageereyaasha xisbiga KULMIYE ayaa maanta la hor istaagay inay galaan Madaarka Hargeysa oo ay u tageen soo dhawaynta Guddoomiyahooda, taasi oo madaxda iyo Hoggaanka xisbigaasi ay ku eedeeyeen xukuumada gaar ahaan Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Cali Maxamed Waran-Cadde iyo Taliyaha Ciidanka Booliska.

Waxaana Guddoomiyuhu uu madaarka kaga soo baxay lug, ka dibna masuuliyiinta  iyo Taageereyaasha KULMIYE ayaa ku soo dhaweeyay duleedka madaarka oo iyagoo abaabulan si habsami ah ay u taagnaayeen.

ima1.jpg

Waxaana Hoggaaminayay Murashixiisa  Madaxweyne Ku Xigeenka Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiye ku xigeenadiisa, Xildhibaanada xisbiga Golaha Wakiilada kaga jira xisbiga KULMIYE, Ismaaciil Muuse Nuur, oo ka tirsan xubnaha Komishinka doorashooyinka iyo taageereyaal aad u badan.

taag5.jpg

Md. Axmed Siilaanyo oo ka warbxinayay socdaalkiisii wuxuu yidhi “Maanta farxad weyn ayay ii tahay inaan ku soo noqdo dalkii Somaliland, muddo laba bilood ku dhow dhow ayaan ka maqnaa, mudadaas aan maqnaa waxaan gaadhay Yurub. Waxaan ku sii horreeyay dalka Ingiriiska gobolo badan oo ka mid ah, ka dibna waxaan tagay Sweden iyo Norway, intaasi aan wareegayay ee aan socdaalka ku jiray dawladihii aan dhulkooda marayay masuuliyiin ayaan ka arkay. Waxa kale oo aad iyo aad iila shiray bulshada Somaliland meel ay joogaanba oo aan shirar waaweyn u qabtay kana wada doodaynay, oo aan uga waramayay Arrimaha qaranka Somaliland iyaguna ii waramay.”

taag2.jpg

Md. Axmed Siilaanyo oo ka hadlayay waxyaabihii dawladihii dalalkii uu tagay ay danaynayeen iyo jaaliyadaha Somalilandba waxa uu yidhi “Intaas aan wareegaynay waxay dadka iyo duniduba danaynayeen oo ay aad u xiisaynayeen mawqifka iyo marxalada Somaliland marayso iyo halka ay ka taagan tahay gedi socodka dimuqraadiyada, wel-welka iyo baqdinta ay ka qabaan in doorashooyinku dhici waayaan. Iyagoo mar walba u arkayay in dawladaha xataa markaan ku daro inay caado noqotay dib u dhaca doorashada madaxtooyadu. Waxaan Anigu isku geeyay oo aan is leeyahay waad ku guulaysatay inaan cid walba ka dhaadhiciyo horumarka oo aanu dib u dhac dambe iman doonin oo ay doorashadu wakhtigeedii ku dhici doonto.”

“Shaki badan oo jira ayay dunida iyo dadka qaarba ugu muuqanaysay su’aalaad meelaha qaarkood nalaga weydiinayay ahaa ma laga yaabaa haddii ay doorashadaasi ku dhici waydo in Somaliland loo arko sidii qeybo kale oo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ayaa hadalada ka soo duul duulayay waxa ka mid ahaa inay noqoto qaran kale oo fashilmay (Another failed state) arrimahaasi oo aan ka baabiinaynay oo aan ku guubaabinayay inay nala taageeraan dimuqraadiyada Somaliland, oo ay dhaqaalaha, dimuqraadiyada iyo ictiraafka aanu raadinayno ay wax nagala qabtaan. Haddii ay dawlado yihiin, haddii ay iyo Ha’yado tihiinba, dadka reer Somaliland ee dibadu waxay aad u xiisaynayeen mustaqbalka dhow ee soo socda. Waxaanay wer wer badan iyo walaac ka qabaan in doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo, ”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, waxaanu intaasi ku daray, “Maadaama oo Maamulka maanta jira looga bartay inuu mar walba doorashada dib u dhigeeda. Anagu waxaanu ku guubaabinaynay doorashadu way dhacaysaa qaranka Somaliland oo dhammina way u diyaar garoobay.”

S: Guddoomiye, markii aad madaarka aanad ka soo degin ma filaysay, in taageereyaashaada loo diido inay soo galaan Madaarka Hargeysa?

J: Arrintaasi aad iyo aad ayaan uga xumaaday, waxa la ii sheegay markii aan sidaasi isu soo taagay, ayaa la ii sheegay in laga mamnuucay madaarka oo loo diiday taageereyaashii iyo shacbigii badnaa ee xisbiga KULMIYE ee doonayay inay I soo dhaweeyaan oo aan ugu imi meel ka durugsan Madaarka.

Arrintaasi xaq ma  waa gardarro aad iyo aad u mutuxan waa mid muujinaysa dareenka ay dawladu qabto waa arrimihii laga hadlayay.

Uma muuqato dawlada inaan ahay murashax Madaxweyne, oo aan leeyahay sharciyada iyo dastuurka maamuuska qof Madaxweyne u taagan. Oo ay xaq u leeyihiin xisbigayga iyo taageereyaashaydu inay madaarka igaga hor yimaadaan inta Madaxweyne Rayaale kaga hortimaada in le’eg. Taasna aad iyo aad ayaanu u dhaleecaynaynaa.

Arrintani waxay muujinaysaa cabsida laga qabo ee ah  dawladu sidee ayay daacad uga noqonaysaa  iyo isticmaalka Hantida qaranka.

S: Guddoomiye waxaad dibada ka soo laabatay xili ay dalka ku soo fool leedahay doorashadii madaxtooyada oo olalihii qarka inoo saaran yahay, Maxaad  Taageereyaashii xisbiga ee dibadaha aad kala kulantay marka la eego dhinaca dhaqaalaha?

J: Runta markaan kuu sheego aad iyo aad ayay taageereyaasha Xisbiga KULMIYE u badan yihiin, aad baanay doorashada u danaynayeen. Anigu markii aan booqashada ku marayay dalalkaasi lama aan kulmaynin taageereyaasha xisbiga KULMIYE oo qudha ee waxaan la kulmay mujtamaca reer Somaliland oo dhan oo aan la hadlayay.

Meelaha qaarkood waxa dhacday in Wakiiladii UDUB ay goobtii shirka kaga baxeen oo ay sheegeen inay Xisbiga KULMIYE ku soo biireen, taageero aad iyo aad u balaadhan ayaanu ka helay.

S: Guddoomiye, waxa jirta in dad ay qabaan in mar kale xukuumadu doonayso in mudada xilka loo kordhiyo, maxaa idiinka meel yaala ka xisbi mucaarid ahaan haddii ay arrintaasi soo baxdo?

J: Arrintaas wixii ka dhacay waad ogaydeen, muddo badan ayaa dhexdhexaadin lagu jiray, axsaabtu ku heshiiyeen in aan Daahir Rayaale Kaahin, mar dambe loo kordhin karin berigii dhawayd xeer jajab iyo balan bay ku timid, shacbiga oo dhan baa ka markhaarti ahaa culimada, aqoonyahanka, Goleyaasha qaranka, deeq- bixiyeyaasha iyo duniduna way arkayeen. Hadii ay mar kale dib u dhacdana Daahir Rayaale ku fadhiyi maayo.

S: Waxa beryahan soo baxaya dareen ah xisbiyada mucaaridka ahi iyagaaba wadada u xaadhaya, muddo kordhinta, waayo marka wakhti badani ka hadhay halkii ay ka sii diyaar garoobi lahaayeen arrimaha taagan iyagaaba cago-jiidku ka yimaadaa, Arrintaasi maxaad ka odhan lahayd?

J: Arrintaasi waxaan leeyahay waa wax aanay waxba ka jirin, axsaabta mucaaridka ahi waxay ku dagaalamayaan, ee ay u taagan yihiin una socdaan waa  in doorasho la gaadho.

Markaa Anigu ma qabo  inay marnaba dib u dhaca doorashada gacan ka gaystaan, haddii ay wax diidaana arrin markaa meesha taala ayay talladooda ka dhiibtaan.

Anigu waxaan ku adakahay in doorashada madaxtooyadu  ay wakhtigeedii ku dhacdo.

Ramaasnews