Boorama-(Lug)-Muwaadin reer Somaliland ah kana midah muwaadiniinta G/Awdal oo muddo ku noolaa Muqdisho ayaa dhawaan lagasii daayey Xabsiga Berbera
kaddib markii uu halkaa ugu xidhnaa sababo la sheegay inay la xidhiidheen olole uu muqdisho iyo Somaliland ugaga jiray ictiraafraadinta Somaliland .
Cabdi Maxamuud Aleel loona yaqaanno Cabdi Geed oo Boorama kula kulmay markii dhawaanta lagasii daayey xabsiga Berbera ayaa ii sheegay inaanu war ka hayn wax dembi ah oo ku galabsaday in la xidho magaalada Bereberana looga qabtay u tegey socdcaal shakhsi ah oo uu kusoo booqanayey qaar kamid ah qaraabadiisa halkaa joogta .
Cabdi Maxamuud Aleel kana mid ah muwaadinta reer Somaliland ee ku noolaa magaalada Muqdisho intii aanu dhulkaasi dagaaladu aafeeyeen ka iman lix bilood ka hor ayaa iiga warramay wixii keenay xadhigiisa iyo cidda uu u malaynayo inay ka dambaysay waxana uu yidhi ”Waxan in muddo ahba ku noolaa muqdisho halkaasoo aan odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye an kala hadli jiray inay Somaliland ictiraafaan in badanna hawshaasi waan ku jiray , waxanan aniga iyo dhawr qof oo reer Somaliland ah iyo odayaasha Hawiye samaysannay guddi gaar ah oo hawshaasi aan wada gallo wayna naga aqbaleen. Waxa kale oo an halkaa ka abuurray urur lagu magacaabo samatalis oo isku xidha danaha labada dal ee Soomaaliya iyo Somaliland odayaasha hawiye oo ay ku jiraan ganacsato caan ah oo xidhiidh fiican la leh Somaliland , waan isku afgarannay inaa reer Somaliland kasoo dhaadhiciyo in ictiraafku ku jiro soomaalida oo is ictiraafta .Markii ay dagaaladu xoogeysteen xamar ayaan go’aansaday inaa xaaskii iyo carruurtiiba Boorama keeno, anna aan hawshaydii sii wado .Markii an Boorama imid ayaan arinta ictiraafka lasoo qaaday dhawr ka tirsan masuulyiinta dawladda iyo xisbiyada qaar way igu aqbaleen qaarna way ila yaabeen .Hargeysa ayaan imid ,waxan tegey wasaaradda arrimaha debedda oo an isn idhi bal qof ad garatid oo reer Boorama ah oo halkaa ka shaqeeya aad u sheegtid, waanan ka waayey inkastoo la ii sheegay inuu joogo nin reer boorama ah oo an awood caynkaas ah ku lahayn wasaaraddaasi. Dhawr xafiisbaan galay oon idhi ii sheega wasiirka iyo ku xigeenadiisa ama madax kale .waxan la kulmay rag ii sheegay inay ka mid yihiin madaxda arrinta ictiraafka ayaan kala hadlay , wayba ila yaabeen waxayna i yidhaahdeen ma dawladbaad tahay, maxaa hawshaa ku geliyey. kaddib dhowr waraysi oo arrimahaasi ku saabsan ayaa siiyey wargeyska Jamhuuriya, maalinmahaa wixii ka dambeeyeyna hawshaasi waaban is daayey markaan waayey cid usoo jeedda waxan ka hadlayo.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaan socodaal ku tegey Berbera goor habeen ah ayuunbaa ciidan anan ogeyn meel lagasoo diray i qabteen waana la i xidhay , kaddibna su’aalo badanbaa la iweydiiyey, waxay igu yidhaahden warqadaha urur sharcidarro ah ayaad haystaa anigoo xadhigaa ku tuhunsan raggii hortaagtaagnaa wasaaradda arrimaha debedda ee ila yaabbanaa ictiraafraadintayda . Halkaa markay marayso ayaan qaylodhaan usoo dirtay Boorama iyo Hargeysa anigoo ugu qayshaday in dawo la ilasoo gaadho markii ay igu kacday xiiq ama xanuunka neefta oo aan awal qabay, dawooyinkiibaa la ii keenay .Nimanka xabsigu ma xumayn laakiin waxan garan waayey waxa la ii xidhay. Kaddib qaar ka mid ah xildhibeenada reer Boorama ayaa iigu baryo tegey madaxweyne kuxigeenka , sidiibaana la igu soo daayey markii an laba wiig in ka badan ku xidhnaa berbera”, wxana u malaynayaa inay arrintaa ka dambeeyeen rag ka shaqeeya wasaaradda arrimaha debedda iyo qolada dharcadda ah oo aanan ogeyn waxa la igu haysto. Waxase igaga darraa qolo malaha dawladnimadu maanta ugu horreyso oo xidha mooyee an af kale aqoonin.”
Cabdi Maxamuud Aleel ayaa sidoo kale sheegay inuusan ka hadhi doonin ololaha ictiraaf raadinta Somaliland.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Muwaadin Loo Xidhay Ictiraafraadiska Somaliland Oo Xabsiga Berbera Lagasii Daayey "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback